Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ku qabtay laba nin oo watay Toorreeyo iyo Mooto Bajaaj, isla markaana dhac u geysanayay shacabka ku nool xaafado ka mid ah degmadaas.
Booliska ayaa sheegay in dadkii ay taleefoonnada ka dhaceen ay deg deg u war-geliyeen Booliska, taasi oo fududeysay in raggaan lagu soo qabto howlgal ay fuliyeen ciidamada ka howlgala saldhigga Dooliska ee degmada Waaberi.