Muqdisho (SONNA):- Waxa maanta si guul leh noogu soo gabagaboobay Banbaxa diyaarinta Istiraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya waxaana soo xiray kulanka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Soomaaliya, mudane Bashe Axmed Yuusuf.
Banbaxan oo qabsoomay intii u dhaxaysay 11-Maajo ilaa 13-Maajo 2024 ayaa kulmiyay hoggaanka bahda Cadaaladda federaalka iyo maamul goboleedyada si ay u lafaguraan horumarinta Istiraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya ee 2025-2030.
Inta uu socday shirka ayaa waxaa laga soo saaray natiijooyinka
- Wakiillada ka socday dhammaan qeybaha bahda Cadaaladda ayaa wadaagay kana dooday aragtiyahooda ku aaddan mustaqbalka nidaamka cadaaladda Soomaaliyeed.
- Ka-qaybgalayaashu waxay falanqeeyeen qeybaha nidaamka cadaaladda ee si wanaagsan u shaqeeya iyo kuwa u baahan in lagu sameeyo isbeddel.
Shirka ayaa ku soo gabagaboobay ballanqaad ay sameeyeen Hoggaanka bahda Cadaaladda Soomaaliya, iyagoo ballanqaaday inay hirgeliyaan hindisayaasha istiraatiijiyadeed ee laga wada hadlay. Tani waxay muhiim u tahay abuurista Soomaaliya cadaalad, sinnaan iyo adkaysi leh.