Muqdisho (SONNA):- Munaasabadaan lagu dhaarinayay Ku dhawaad 20 xeer Ilaaliye xigeeno oo ka tirsanaa doona Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, Guddoomiyaasha Maxkamadaha Rafcaanka iyo Gobolka Banaadir ayada oo lagu qabtay Xarunta Maxkamadda saree e dalka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa Dhaariyay xeer ilaaliyeyaasha Cusub ayaga oo gacanta u saran tahay kutubka Qurโaanka Kariimka waxaana ay kusoo baxeen Imtixaan Daah furan oo loo qabtay in ka badan 1500 oo ruux.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa madaxweynaha JFS uga mahadceliyay doorka uu ku leeyahay tayenta heyโadaha Garsoorka dalka.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa kula dardaarmay Xeer Ilaaliye xigeenadda la dhaariyay in ay kasoo dhallaalaan shaqada Culus ee loo Igmaday.
Xeer Ilaaliyeyaashaan ayaa ku biiri doono shaqada Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa door ka qaadan doona howlaha xafiiska ee uu ugu xilsaaran yahay Qaranka.