Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasaaradda arrimaha dibadda oo Muqdisho ku soo gabangabaysay wadatashi ku aadan bad-qabka deegaanka
    May 14, 2025
    Wasiir Fiqi oo soo xiray tababar ku saabsan istiraatiijiyadda warbaahineed ee difaaca Qaranka
    May 14, 2025
    Wafdi ka socda Soomaaliya oo Kenya uga qaybgalaya shirka IATA
    May 14, 2025
    Soomaaliya iyo Nigeria oo iska kaashanaya dhowrista xogta
    May 14, 2025
    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo qaabilay Wasiirro ka tirsan SSC-KHAATUMO 
    May 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga
    May 13, 2025
    PKK oo ku dhaqaaqday soo afjaridda collaad 40 sano kala dhaxeysay Turkiga
    May 12, 2025
    Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul
    May 11, 2025
    Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordheysa
    May 9, 2025
    Dadka Gaza oo wajahaya macluul daran & dhimasho joogto ah
    May 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
    May 3, 2025
    Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
    April 30, 2025
    Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
    April 26, 2025
    ‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)
    April 23, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
    Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir
    February 17, 2025
    Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo casho sharaf  ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah
    December 28, 2024
    Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirrigelisay xulka Qaranka ee 17-jirada
    December 24, 2024
    Danjiraha JFS ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano,
    December 23, 2024
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 8, 2024
5 Min Read
Share

1-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona Laing.

2-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Madaxweyne Ku-Xigeenka Kenya Rigathi Gachagua, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal.

3-Soomaaliya iyo Kenya ayaa wadahadalo la xiriira iskaashiga labada dal ku yeeshay Nairobi, isla markaana ku kala saxiixday heshiisyo iskaashi.

4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa  furay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ku saabsan kobcinta iyo horumarinta dhaqalaha dalka, isla markaana sheegay in hadaflka dowladda uu yahay in laga mira dhaliyo dadaallada ku aaddan horumarinta dhaqaale loo dhan yahay oo xasilloon.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al Rumaithi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah  la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanayd Soomaaliya Catriona Laing oo soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

7-Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey heshiis Iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo la xiriira iskaashiga garsoorka iyo soo wareejinta dembiileyaasha xukuman ee xabsiyada ku jira.

8-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Banjul ee Jamhuuriyadda Gambia kaga qeybgaley Shir Madaxeedka waddamada Islaamka.

9-Ra’iisul WasaareKu-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Banjul kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mudane Hakan Fidan, kaas oo looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal.

10-Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa daahfuray Shirka U Qareemidda Daryeelka Bulshada ee Mashruuca SAGAL oo ka furmay Muqdisho.

11-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa soo saartay digniino sheegaya inay dhacaan fatahaado saameyn ku yeelan kara degmooyinka dalka qaarkood, sida; Dolow, Luuq, Buaale, Jilib, Baled Weyne, Buulo Burde, Jalalaqsi, Mahadaay, Jowhar, Balcad iyo qaar kale oo  aanu webiga marin.

12-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa saxaafiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska maalinta caalamiga ah ee xorriyadda saxaafadda ee 3-da May.

13-Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Daniraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Coppi.

14-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mike Nithavrianakis, kana wadahadley barnaamijyada dib u xoreynta, xasillinta iyo soo kabashada hore, dib-u-heshiisiinta iyo qorshayaasha doorasho ee dowladda Soomaaliya.

15-Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa kulan la qaatay shirkadaha bixiya adeegga biyaha ee magaalada Muqdisho.

16-Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa  kulan la yeeshay mas;uuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

17-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Xoosh ayaa kormeeray xarunta Guddigga Doorashooyinka Qaranka, isagoo warbixin la xiriirta howlaha socda iyo qorsheyaasha ka dhageystay howlwadeennada guddiga.

18-Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda TIKA Turkiye ee Soomaaliya Mr. Zafer ESKI, kaas oo ay ka wada hadleen kor u qaadida xiriirka shaqo ee labada dhinac iyo iskaashiga dib u dhiska kaabayasha dhaqaalaha dalka.

19-Wasiir Ku-Xigeenka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir ku saabsan maaraynta hubka, rasaasta iyo walxaha qarxo, Waa shirkii uga weynaa ee la qabto tan iyo intii Soomaaliya laga qaaday cuna-qabateynta hubka horaantii bishii December 2023-kii.

20-Wasiir Ku-Xigeenka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ee Soomaaliya, Sheri-Nouane Duncan-Jones, ayaa si wadajir ah u qabtay kulanka Dib-u-eegistii Hiigsiga Horumarinta USAID.

21-Wasiiru Dowlaha Caafimaadka ee Soomaaliya Marwo Maryan Maxamed Xuseen ayaa daah furtay ololaha qaliimada caafimaad iyo daweynta carruurta ku dhalata daloolada wadnaha, kaasi oo ay iska kaashanayaan Hey’adda Samafalka ee Madaale Foundation iyo Isbitaalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasaaradda arrimaha dibadda oo Muqdisho ku soo gabangabaysay wadatashi ku aadan bad-qabka deegaanka

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah  ee dowladda FS oo kaashanaysa ururka…

May 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Akhriso: Xaaladda guud ee Fatahaadaha iyo gurmadka socda

Muqdisho(SONNA) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojinaysa dadaalka ay ugu jirto sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed oo ay waxyeeladu ay…

Wararka
November 5, 2019

Howlgal ka dhacay Puntland oo lagu soo qabtay Xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland ee PSF oo magaalada Boosaaso ka fuliyay hawlgal lagu xoojinayo amniga magaalada ayaa soo qabtay…

GudahaWararka
June 3, 2024

Wasiirka arrimaha dibadda oo safiirka Imaaraatka kala hadlay xoojinta calaaqaadka labada wadan

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay…

GudahaWararka
April 24, 2024

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorshaysan ku dilay 25 ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho-(SONNA):-Howlgal qorsheysan oo ay ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibbada Caalamiga ah ka fuliyeen Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay 25 dhagarqabe…

GudahaWararka
August 9, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023