Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 8, 2024
5 Min Read
Share

1-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona Laing.

2-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Madaxweyne Ku-Xigeenka Kenya Rigathi Gachagua, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal.

3-Soomaaliya iyo Kenya ayaa wadahadalo la xiriira iskaashiga labada dal ku yeeshay Nairobi, isla markaana ku kala saxiixday heshiisyo iskaashi.

4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa  furay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ku saabsan kobcinta iyo horumarinta dhaqalaha dalka, isla markaana sheegay in hadaflka dowladda uu yahay in laga mira dhaliyo dadaallada ku aaddan horumarinta dhaqaale loo dhan yahay oo xasilloon.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al Rumaithi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah  la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanayd Soomaaliya Catriona Laing oo soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

7-Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey heshiis Iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo la xiriira iskaashiga garsoorka iyo soo wareejinta dembiileyaasha xukuman ee xabsiyada ku jira.

8-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Banjul ee Jamhuuriyadda Gambia kaga qeybgaley Shir Madaxeedka waddamada Islaamka.

9-Ra’iisul WasaareKu-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Banjul kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mudane Hakan Fidan, kaas oo looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal.

10-Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa daahfuray Shirka U Qareemidda Daryeelka Bulshada ee Mashruuca SAGAL oo ka furmay Muqdisho.

11-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa soo saartay digniino sheegaya inay dhacaan fatahaado saameyn ku yeelan kara degmooyinka dalka qaarkood, sida; Dolow, Luuq, Buaale, Jilib, Baled Weyne, Buulo Burde, Jalalaqsi, Mahadaay, Jowhar, Balcad iyo qaar kale oo  aanu webiga marin.

12-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa saxaafiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska maalinta caalamiga ah ee xorriyadda saxaafadda ee 3-da May.

13-Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Daniraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Coppi.

14-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mike Nithavrianakis, kana wadahadley barnaamijyada dib u xoreynta, xasillinta iyo soo kabashada hore, dib-u-heshiisiinta iyo qorshayaasha doorasho ee dowladda Soomaaliya.

15-Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa kulan la qaatay shirkadaha bixiya adeegga biyaha ee magaalada Muqdisho.

16-Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa  kulan la yeeshay mas;uuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

17-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Xoosh ayaa kormeeray xarunta Guddigga Doorashooyinka Qaranka, isagoo warbixin la xiriirta howlaha socda iyo qorsheyaasha ka dhageystay howlwadeennada guddiga.

18-Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda TIKA Turkiye ee Soomaaliya Mr. Zafer ESKI, kaas oo ay ka wada hadleen kor u qaadida xiriirka shaqo ee labada dhinac iyo iskaashiga dib u dhiska kaabayasha dhaqaalaha dalka.

19-Wasiir Ku-Xigeenka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir ku saabsan maaraynta hubka, rasaasta iyo walxaha qarxo, Waa shirkii uga weynaa ee la qabto tan iyo intii Soomaaliya laga qaaday cuna-qabateynta hubka horaantii bishii December 2023-kii.

20-Wasiir Ku-Xigeenka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ee Soomaaliya, Sheri-Nouane Duncan-Jones, ayaa si wadajir ah u qabtay kulanka Dib-u-eegistii Hiigsiga Horumarinta USAID.

21-Wasiiru Dowlaha Caafimaadka ee Soomaaliya Marwo Maryan Maxamed Xuseen ayaa daah furtay ololaha qaliimada caafimaad iyo daweynta carruurta ku dhalata daloolada wadnaha, kaasi oo ay iska kaashanayaan Hey’adda Samafalka ee Madaale Foundation iyo Isbitaalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Howl-wadeenada Wasaaradda Shaqada XFS oo loo furay Tababar aqoon kororsi ah

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Xaaji Xuseen ayaa xarunta Wasaaradda ka daahfurtay tababar…

Wararka
November 24, 2020

Dowladda Itoobiya oo Boqolaal Qof u xirtay rabshadihii dhowaan Dalkaasi ka dhacay

Addis ababa-(SONNA)-Ciidamada ammaanka ee Dalka Itoobiya ayaa in ka badan 409 Qof xabsiga dhigtay, markii lagu eedeeyay in ay ka…

CaalamkaWararka
November 1, 2019

Israa’iil oo Magaalada Nablus ku dilay 3 falastiiniyiin ah

Ciidamada Israa’iil ayaa dilay ugu yaraan saddex falastiiniyiin ah, afar kalena waa ay dhaawaceen ,kadib weerar ay ka fuliyeen magaalada…

Caalamka
May 4, 2023

Shir looga hadlayo isku xirka laamaha hay’adda socdaalka Dalka oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Kulan looga arrinsanayo isku xirka Laamaha kala duwan ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.…

Wararka
February 11, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023