Banjul-(SONNA)-Shir-madaxeedka 15-aad ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Banjul ee Caasimadda dalka Gambia.
Shirkan ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo muhiim u ah Soomaaliya, iyadoo lagu diiday damaca gurracan ee dowladda ay Itoobiya ku dooneyso badda Soomaaliya.
Qodobbada kasoo baxay shirka ayaa waxaa ka mid ahaa in la taageero gobannimada iyo xasilloonida Soomaaliya, dagaalka dalka looga xoreynayo khawaarijta.
Shirka OIC ayaa diiday xadgudubka ay Itoobiya ku dooneyso in ay ku dhantaasho madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Sidoo kale shirka ayaa lagu taageeray musharraxnimada Marwo; Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ee Guddoomiyaha midowga Afrika.
Kulanka ayaa ugu dambayn lagu taageeray yagleelidda dowlad Falastiiniyiintu ay yeeshaan oo madax bannaan, gob ah, Quddusna Caasimad u tahay.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb-galay shirka.