Muqdisho (SONNA):- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool dalka Koorfur Africa ayaa xaflad balaaran oo soodhaweyn ah u qabatay Danjiraha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee South Africa Danjire Maxamed Sheekh Isaaq.
Xaflada oo si heersare ah loo soo agaasimey oo ay ka soo qeyb galeen boqololaal isigu jira rag iyo dumar ayna qabanqaabiyeen maamulka jaaliyadda eeย Somali Cummunity Board oo guddoomiye ka yahay Maxamed Cumar Telyaani, ayaa xalay lagu qabtey caasimadda Koonfur Africa ee Pretoria.
Danjire Maxamed Sheekh Isaaq ayaa markii ugu horreysay ee si toos ah ula ula hadlay jaaliyadda tan iyo markii uu yimid, isaga oo ugu war bixiyey siyaasada dawlada uu hogaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal ka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo istiraatiijiyadiisa cusub ee waxqabadkiisa taas oo uu rabo in uu is bedel ku sameeyo safaaradda iyo guud ahaan jaaliyadda caqabada heysto oo leh dhinacyo badan.
Dhinacakale dhamaam dadkii ka hadley xafladaasi qeybaha kala kuwan ee jaaliyadda ayaa safiirka umuujiyay soo dhoweyn iyo marxabeyn islamarkaasina u cadayayna wada shaqeyn dhab iyo in wax laga qabto caqabadaha taagan ee haysta muwaadiniinta Soomaaliyeed.