Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa kulan la qaatay shirkadaha bixiya adeegga biyaha ee magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii ay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran u heli lahaayeen biyo nadiif ah, cafimaad qaba, qiimahoodu danyartu awoodi karaan, laโiskuna haleyn karo.
Wasiirka waxa uu sidoo kale xoojiyey ahmiyadda ay leedahay in shirkaduhu midoobaan, waxa uuna ku nuux nuuxsaday in Wasaaraddu ka taageeri doonto shirkadaha dhinaca xirfadaha iyo tababbarada si looga mira-dhaliyo in dadweynaha Soomaaliyeed helaan biyo ku filan oo nadiif ah.
Dhankooda, Shirkadaha bixiya adeegga biyaha magaalada Muqdisho oo shirka ku fadhiyey dalladda DAHAB oo ay ku mideysan yihiin ayaa bogaadiyey ka goโanaanshaha Wasaaradda ee la xiriira in dadweynuhu helaan biyo nadiif ah, caafimaadkoodana la hubo, waxa ayna ballan-qaadeen in ay ka shaqeyn doonaan in ay ugu dambeyntii noqdaan hal shirkad, taas oo awoodda ka gun-gaarista himilada iyo yoolasha loo socdo.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maxamed Cabdullahi Faarax iyo Agaasimaha Guud Cabdullahi Xasan Aden.