Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–asaaraha XFS ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ซ๐š๐ฑ๐š ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐’๐ก๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ ๐’๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka
    December 13, 2025
    Arday aan gelin Imtixaanka Dowladda ee 2015 -2016 oo loo ogolaaday in la siiyo Shahaaddada
    December 13, 2025
    RW Xamsa Cabdi Barre oo Wasiirro cusub magacaabay
    December 13, 2025
    Wasiirka Difaaca XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Capt. Antonino Mazzocca
    December 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 1, 2024
8 Min Read
Share

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo ku aaddan Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1da May hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxa Sirdoonka Turkiga Ibraahim Kalin.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay Shir Madaxeedka Afrika iyo Bankiga Adduunka oo ka dhacay Nairobi, halkaas oo uu ku soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan maalgashiga iyo in mashaariicda la maal-geliyo loo weeciyo dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Dar Es Salaam kaga qeybgaley xuska sannad guurada 60aad ee maalinta midnimada Jamhuuriyadda Tanzania.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan ayaa kulan miradhal ah ku yeeshay magaalada Dar Es Salaam.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku tagey Tanzania ayaa booqday Xarunta Kaydka Dawada iyo Isbitaalka Muhimbili ee magaalada Dar Es Salaam.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dar Es Salaam kulan kula yeeshay jaaliyadda Soomaalida ku dhaqan dalka Tanzania.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Jasiiradda Zanzibar ee dalka Tanzania, halkaas oo uu wadahadal kula oo yeeshay Madaxweyne Hussein Ali Mwinyi.

9- Raโ€™iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aaddan Maalinta Shaqaalaha Adduunka u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliya.

10- Raโ€™iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa farey dhammaan hayโ€™adaha dowladda in aan lagu qaban karin meel ka baxsan dalka shirarka u dhexeeya heerarka kala duwan ee heyโ€™adaha dowladda.

11- Raโ€™iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa daahfuray kulanka geeddi socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-Heshiinta Qaranka.

12- Raโ€™iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, oo goobjoog ka ahaa dhoolatus ay soo bandhigeen ciidammo loo tababaray Ilaalinta Xeebaha Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub tababarka iyo xirfadda sare ee ay bareen ciidanka, kuwaas oo loo diyaariyey in ay la wareegaan amniga xeebaha Soomaaliya..

13- Raโ€™iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan gaar ah oo looga hadlaayey hannaanka sugidda badqabka cuntada Soomaaliya.

14- Raโ€™iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaaย  magaalada Muqdisho ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya u qaabilsan Geeska Afrika Mudane Vladimir Orliรฉ.

15- Raโ€™isul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo dalka booqasho ku yimid.

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shir ku saabsan mideynta farriimaha warbaahineed ee dowladda u soo xiray madaxda xafiisyada warbaahinta ee hayโ€™adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

17- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka guddi-hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Barnaamijka Xasilinta.

18- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay shirka saddex biloodlaha ah ee Madasha isku xirka hawlaha ka hortagga iyo la dagaallanka afkaarta xagjirka ah ee rabshadaha wadata, kaas oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Qaran ee Tubsan.

19- Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyey saddex heshiis oo ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania.

20- Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa laga soo saaray war murtiyeed lagu bogaadiyay horumarka dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

21- Dowladda Soomaaliya, ayaa soo dhowaysay war murtiyeedka Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee lagu bogaadiyay horumarka ay dowladda Soomaaliya ku tallaabsaneyso.

22- Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Dr Cali Xaaji Abuubakar ayaa daahfuray Mashruuca Better Lives ee horumarinta caafimaadka bulshada oo laga hirgelin doono Galmudug, Jubaland iyo Gobolka Banaadir, waxaana ka faaโ€™iideysan doonaa ku dhawaad 1.5 million oo qof.

23- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dowladda Kenya iyo shacabkeeduba uga tacsiyaysay dadkii ku geeriyooday daadadka ka dhashay roobab mahiigaan ah oo halkaasi ka daโ€™ay.

24- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in todobaadyadii la soo dhaafay ay dowladda isku soo dhiibeen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta argagixisada Al Shabab.

25- Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareyneyseyย  falkii kooxaha Khawaarijta ah ku laayeen shaqaale ka tirsan Shirkadda Hormuud.

26- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka 21-aad ee Hayโ€™adda Horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IDA, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Qaaradda Afrika.

27- Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Caliย  Xoosh ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Hayโ€™adda UNDP ee Soomaaliya, Lionel Laurens.

28- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socotay Booliska dalka Masar, kuwaas oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho.

29- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Mudane Cali Yuusuf Cali โ€“ Xoosh ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mudane George Conway Ku-Xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee qaabilsan isku duwidda arrimaha biniโ€™aadannimada.

30- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan is xog wareysi ah Muqdisho kula qaatay madaxda dowlad goboleedyada Galmudug ,HirShabeelle, iyo Koonfur Galbeed.

31- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaloya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaaย  kulan la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobayย  ahna Madaxa UNSOS Ms. Aisa Kirabo Kacyira.

32- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka ATMIS.

33- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Xildhibaan Jibril Cabdirashiid Xaaji ayaa qaabilay Wakiilka hayโ€™adda UNDP ee Soomaaliya Mr. Lionel Laurens oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac, horumarinta ganacsiyada gaarka ah, shaqo abuurka iyo guud ahaan kobaca dhaqaalaha ee wadanka.

34- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa dalka Marroco uga qaybgalay shirka meertada 33-aad ee Wasiirrada Beeraha ee Afrika, kaas oo looga hadlay kobcinta wax soo saarka beeraha.

35- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin ayaa daah-furay mashruuc xoojinaaya isku xirka nidaamyada bixiya digniinaha halista ah ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed.

36- Taliyaha Ciidanka Dhulka General Dayax Cabdi Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho tababar uga furay sarakiil ka tirsan qaybaha iyo guutooyinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

37- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab ka sameeyey degaanno hoostago Degmada Buolaburte ee Gobolka Hiiraan.

38- Taliyaha Heyโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ayaa booqday deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

39- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kormeeray Xarunta Dhexe ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jisniyadda, halkaas oo uu kulamo kula qaatay agaasinka iyo hawlwadeennada hayโ€™adda.

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–asaaraha XFS ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ซ๐š๐ฑ๐š ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐’๐ก๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ ๐’๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š

Muqdisho,(SONNA):- ย Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Caawa ka qeyb…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

cabsi mar kale soo wajahday dadkii ku barakacay fatahaadii Wabiga Shabeelle

Muqdisho:(SONNA)-Saacadihii la soo dhaafay waxaa bilaawday cabsi xoogaan oo soo wajahay dadkaย ku haray degmada afgooye iyo deegaanada kale ee ku…

Wararka
July 28, 2020

Waniinle ilaa Cowsweyne (WARBIXIN)

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa shalay galab jab xooggan loogu geystay deeggaanno u dhaxeeya Waniinle…

GudahaMaqaallada
July 17, 2024

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee BJFS oo dowladda Turkiga ugu tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dhulgariirkii ka dhacay Turkiga

Muqdisho-(SONNA)-Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan xildhibaano ka…

GudahaWararka
February 9, 2023

General Biixi” Waxan go’aan ka gaarnay weerarradii Khawaarijtu ku soo qaadi jirtay xeryaha ciidamada”

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka lugta Soomaaliyeed, Janaraal; Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in ay si weyn uga baaraan degeen ka Ciidan ahaan…

GudahaWararka
April 13, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023