Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka amniga gudaha XFS Md. C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Miina baarista ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Munaasabadda xarig jarka dhismayaasha cusub ayaa waxaaย goob joog ka ahaaย Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto; Sulub Axmed Firin iyo Taliye Xigeenka Boliiska S/Guuto; Zakia Xuseen Axmed iyo marti ka socotay hayโadaha Caalamiga ah.
S/Guuto; Sulub Axmed Firin ayaa qirayย in saraakiisha Iyo ciidanka Boliiska ee ka howlgala xaruntan ay yihiin Badbaadiyahaasha Bulshada, isagoo xusay in xilli kasta ayย diyaar u yihiiinย ka hortagga dhagaraha Khawaarijta ay u soo maleegeyso dadka rayid ah.
Wasiirka Amniga Gudahaย XFS , C/laahi Sheeikh Ismaaciil ayaa u mahadceliyay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saraakiisha iyo Askarta Xaruntan, kuwaas oo mar walba qatar u giliya naftooda sidii ay u badbaadin lahaayeen bulshadooda .
Xuruntaan lagu soo kordhiyay dhismayaasha cusub ayaa halbowle u ah sugidda amniga guud ee dalka gaar ahaan Caasimada Moqdisho .
Wasiirka iyo Taliyaha ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay dowladda Japan oo gacan ka geestay hirgelinta xaruntaan oo muhiimad gaar ah u leh ciiidanka boliiska iyo shacabka Soomaaliyeed.