Muqdisho (SONNA);-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Abdijaliil ayaa furay shirka sadex biloodlaha ah ee isku-duwidda howlaha Caafimaadka dalka
Shirka oo socon doona mudo laba cisho ah waxaa goobjoog ka ahaa Agaasime waaxeedyada Wasaarada Caafimaadka, xubno ka socdey Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada, Saaxibada taageera Caafimaadka dalka iyo saamileyda Caafimaadka dalka, iyadoo ujeedadiisu tahay soo Horumarinta qorshaha Caafimaadka iyo soo bandhigidda warbixinta waxqabadka mashaariicda Caafimaad Dalka.
Agaasimaha guud ayaa ka qayb-galayaasha shirka ku booriyay inay labada maalmood ee uu shirku socdo dood waxtar leh ka yeeshaan horumarinta Caafimaadka dalka si loo helo Caafimaad tayeysan oo dhamays ah islamarkaana ka hirgela guud ahaan dalka.