Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS
    January 9, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa khudbad u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed
    January 8, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya
    January 8, 2026
    Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey shirka taliyeyaasha Booliiska
    January 8, 2026
    Maamulka Shabeellada Dhexe oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidanka xoogga ee jooga Wargaadhi
    January 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada (WARBIXIN)
GudahaWararka

Saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada (WARBIXIN)

By SB
Last updated: April 29, 2024
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):’Roobabkii guga ayaa si rasmi ah uga curtay deegaanno badan oo dhaca gobollada Dalka Soomaaliya, kadib markii maalmihii u dambeeyay ay jireen xaalado daran oo dhanka kulaylka ah. Roobabkaan ayaa ka da’ay Puntland, Somaliland, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfurgalbeed, Jubbaland iyo dawlad deegaanka Soomaalida ee kililka shanaad.

Gobollada dalka wararkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayaan in dadku ay dareemayaam jawi roobab oo aad u wanaagsan, mana jiraan khasaarooyin baaxad leh oo la soo sheegay illaa hadda, Marka loo eego roobabkii ka da’ay dhowaan dalalka dariska ah ee bariga iyo bartamaha Afrika iyo xataa waddamada khaliijka , waxay ina tusayaan in loo baahan yahay dadaal ku aadan la socodaka daadad suurtagal ah in ay dhaliyaan barakac, gaar ahaan deegaannada dhaca xeebaha iyo Webiyada.

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee DFS ayaa digniin ka soo saartay saameynta iyo dhibaatooyinka ka dhallan kara Roobab aad u xooggan oo la filayo in 8-da maalmood ee soo socota ay ka da’aan magaalooyinka Beledweyne, Bu’aale, Garbahaarey iyo Baydhaba, waxayna si gaar ah ay Heyaddu ugu diraysaa Dadka Barakacayaasha ah eek u nool Degmooyinkaasi, inay ka feejignaadaan waxyeelada Roobabkaan, “maadama ay yihiin Dadka ugu nugul uguna saameynta badan biyo-baxooyinka iyo fatahaadaha Dalka ka dhaca” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay He’yaddaasi oo soo xiganeysa warbxuin ay soo saartay Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO.

Dhinaca kale Wasaaradda Deegaanka XFS ayaa soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada, iyadoo saadaalisay in 27-ka bishan ilaa dhamaadka bishan uu roobku wada gaari doono inta badan gobollada dalka, kuwaas oo soo billowday 20-kii bishan April, iyadoo Warbixinta lagu sheegay in Webiga Shabeelle uu qatar ugu jiro in uu fataho gaar ahaan degmada Jowhar oo ay ka harsan tahay kaliya 23 cm ee billowga fatahada Wabiga Shabeelle, “waxa kale oo suurta-gal ah” ayaa la lagu yiri warbixintan “in ay ka dhashaan roobka daadad degmooyinka dhaca goballada Bay, Sanaag, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Banaadir, Hiiraan iyo Gedo, kuwaas oo hakad gelin kara dhammaan isku socodka gadiidka iyo kaabayaasha nolasha guud ahaan iyadoo xaddiga roobkuna uu u dhaxeyn doono 50% ilaa 60%. Xaddiga kuleylka ayaa isna sii ahaan doona mid u dhaxeeya 32°-39° guud ahaan Soomaaliya”.

Warbixinta ayaa lagu xusay in waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaarada Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS ay ku boorineyso dhammaan bulshada Soomaliyeed in ay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeri ah.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed oo wali wada dadaaladii looga hortagi lahaa saameynta taban ee roobabka xiliga gu’ga ku yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda nugul ayaa la qabatay kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowladda Federaalka ah iyo Hay’adaha Maamul Goboleedyada dalka, kaasi oo ujeedkiisu ahaa dardar galinta iyo u diyaar garoowga roobabka gu’ga ayaa waxaa daah furtay gudoomiyaha Hay’adda, iyadoo carabka ku adkeysay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Hay’addaha Dowladda, wadaagista xogaha iyo isku xirka gargaarka.

Shirkan waxaa la isku dhaafsaday xogaha casharadii laga bartay xili roobaadyadii hore, khataraha kadhasha roobabka, agabyada loo baahan yahay iyo sidii looga hortagi lahaa, ugu danbeynna waxaa la isla gartay in lahelo xog hubanti leh oo ay dowladdu leedahay taasoo gundhig u noqota ka jawaabidda saameynta roobabka la filaayo.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay halista roobabka ee ka da’aya Soomaaliya iyo dalal kale. Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) ayaa warbixin cusub oo toddobaadle ah ka soo saaray xaaladda Soomaaliya iyo saameynta roobabka xilligga gu’ga ee ka curtay Dalka Soomaaliya.

Xafiiska ayaa sheegay in laga soo bilaabo Abriil ilaa bisha Juun la filayo in ay korsdhaan roobabka waqtiga gu’ga,kuwaas oo la tilmaamay in ay keeni karaan khasaarooyin nafeed iyo burbur hanta. Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) ayaa xusay in tan iyo 19-kii Abriil la soo sheegayo daadad xooggan oo ay dhaliyeen roobabkii ka da’ay qaar kamid ah gobolada Dalka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena Bariga Afrika iyo dalal kale oo dhaca Qaaradda Afrika ayaa waxaa ka da’ay roobab ka badan kuwii hore oo mahiigaan ah, kuwaas oo dhaliyay dhimasho, fatahaado iyo barakac saameeyay wadammo ay kamid yihiin dalalka Tansaaniya,Burundi iyo Kenya,Nigeria iyo kuwo kale.

Daadad iyo dhul go’ ka dhacay dalka Tanzania oo ay sababeen roobab lixaad leh ayaa dilay 155 qof, halka 236 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha dalkaasi, iyadoo roobab xooggan ay ka da’ayaan guud ahaan Bariga Afrika. Kenya, 35 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen isniintii, waxaana weli dalka oo dhan ka jira fatahaado. Burundi, ku dhawaad 96,000 oo qof ayaa ku barokacay roobab aan kala joogsi lahayn oo bilo socday, Qaramada Midoobay iyo dowladdu ayaa sidaa sheegay horaantii bishan. Uganda ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay duufaano waaweyn oo sababay in uu fataho wabiga, waxaana la xaqiijiyay labo dhimasho iyo dhaawac dhowr boqol oo dadka tuullooyinka ah.

Dhinaca kale,In ka badan 100 maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Nigeria oo u dhow magaalada caasimadda ah ee Abuja ka dib markii roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ay ay burburiyeen qeybo ka mid ah xabsiga, sida ay sheegeen saraakiisha xabsiga.

By. C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS

Muqdisho(SONNA):-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti,…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Fiqi “iyadoo lagu jiro maalmaha Xorriyadda in Hargeysa looga heeso qowmiyad kamid ah Itoobiya waa ayaan darro”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Dadka Soomaaliyeed oo u dabaal-degaya maalmaha Xoriyadda in Hargeysa looga…

Gudaha
June 28, 2024

R/wasaare Rooble oo manta lagu wado in uu Garowe  kula kulmo Madaxda Puntland

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, mudane, Maxamed Xuseen Rooble, iyo wefdi uu hogaaminayo ,ayaa manta la filayaa in magaalada Garowe ay…

Wararka
December 12, 2020

Kulamo xal loogu raadinayo Beelo dagaalamay oo ka bilaawdey Gobolka Hiiraan

Deegaanka Bacda oo hoostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka bilaawdey kulamo xal loogu raadinayo dagaal beeleed ka…

Wararka
February 2, 2020

Wasiirka Kalluumaysiga XFS oo Furay Shirka Wasaaraddaha Kalluumaysiga oo socon doona laba cisho

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xuuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa furay shir wadatashi ah…

GudahaWararka
August 9, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023