Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir
    June 30, 2025
    Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo gaaray dalka Tanzania
    June 30, 2025
    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    June 29, 2025
    Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo asteysay qabashada shirweynaha Dhammeystirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
    June 29, 2025
    Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed iyo mashaariic kale
    June 29, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Mudanayaal ka tirsan labada aqal ee Soomaaliya oo ka qayb galay shirka Vienna
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Mudanayaal ka tirsan labada aqal ee Soomaaliya oo ka qayb galay shirka Vienna
Gudaha

Mudanayaal ka tirsan labada aqal ee Soomaaliya oo ka qayb galay shirka Vienna

By Kulane
Last updated: April 26, 2024
3 Min Read
Share

Wafuud ka kala socda baarlamaanada dunida oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow iyo Senator Cismaan Maxamuud Dubbe ayaa Soomaaliya uga qayb galay shirka xakamaynta iyo nabad u isticmaalidda Nukliyeerka,kaas oo ka dhacay caasimadda Austria ee Vienna.

Xildhibaanada Soomaaliyeed ee shirka ka qayb galay intii ay ku jireen kulamada shirka waxa ay si gaar gaar ah ula kulmeen madaxda Qaramada Midoobay ee xaruntoodu tahay Vienna, sida Agaasimaha Guud ee hay’adda ka hortagga Nukliyeerka ee IAEA Mr. Rafael Mariano Grossi, madaxa xakamaynta tijaabada nukliyeerka Dr Robert Floyd, madaxa hay’adda ka hortagga dembiyada qaramada midoobay ee UNODC qaybta dembiyada, madaxda booliska adduunka ee Interpol, safiirada dalalka Maraykanka, Norway, Ciraaq iyo madax badan oo ka kala socotay caalamka, kuwaas oo ay warbixin dhammaytiran ka siiyeen horumarka laga sameeyey la dagaalanka khawaarijta, dhammaystirka dastuurka iyo shaqooyinka u qabsoomay baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya labadii sano ee u dambeysay.

 Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale waxa ay booqdeen shaybaarka Siebersdorf oo ah kan ugu weyn adduunka ee lagu horumariyo cilmiga nukliyeerka oo looga faaiideysanayo si nabad gelyo ah.

 Shaybaarkan oo ay maamusho hay’adda nukliyeerka adduunka ee IAEA, isla markaana ay hirgelintiisa ku baxday boqolaal malyuun oo dollar waxa durba lagu guuleystay cilmi baarisyo waxtar u leh aadamaha, iyada oo laga faaiideysanayo awoodda nukliyeerka.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale booqday Saddex labaratoori ,kuwaas oo qabta shaqooyin ay kamid yihiimn:-

Xanuunka kansarka (cancer) oo la tilmaamay in lagu guleystay xakameynta iyo daawynta cudurkaasi,gaar ahaan marka uu cusub yahay.Illaa haddana mishiinka ama qalabka looga hortago cudurkaasi waxa la’ geeyey 8 waddan oo Afrikaan ah.

 2-Shaybaar qaabilsan dhinaca beeraha waxaana lagu guuleystay in geedkii ku bixi jirey 6 bilood in laga dhigo 2 bilood

Mashruucana waxa lagu tijaabiyey bariiska Thailand oo wax soosaarkiisii saddex laab kordhay sida uu mudanayaasha baarlamaanka u sheegay Agaasimaha Guud ee IAEA Rafael Mariano Grossi.

 3-Shaybaarka qalab sii sheegaya qaraxa ama sunnaamiga ka dhasha dhulgariirka, 10 daqiiqo kahor inta uusan dhicin. Qalabkaas oo mustaqbalka wax weyn ka tari doona bedqabka iyo badbaadada shacabkeena.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay…

June 30, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud oo ku guuleystay abaalmarinta CXO of the Year

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud, Axmed Maxamuud Yuusuf, ayaa ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee 𝐂𝐗𝐎 𝐨𝐟 𝐭𝐡𝐞 𝐘𝐞𝐚𝐫, oo…

CaalamkaGudahaWararka
November 16, 2023

Wasiirka Cadaaladda oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomeeliyeed ee dalka Turkiga

Ankara(SONNA):-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macallin ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ankara ee dalka Turkiga xalay la…

GudahaWararka
December 14, 2024

Fadaa’isha Bisha barakaysan ee Ramadan (MAQAAL)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xalay xaqiijisay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii Culimada Wasaaradda Awqaafta…

GudahaMaqaallada
March 11, 2024

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 XFS 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐲𝐚𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane, Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka…

GudahaWararka
April 2, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023