Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Horumarka Afrika
    October 19, 2025
    Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hey’adaha Cadaaladda
    October 19, 2025
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho
    October 19, 2025
    Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti
    October 19, 2025
    Taliska Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Diblomaasiyiinta ku sugan dalka Itoobiya oo ka deyrinaya xaaladda gobolka Tigray
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Diblomaasiyiinta ku sugan dalka Itoobiya oo ka deyrinaya xaaladda gobolka Tigray
CaalamkaWararka

Diblomaasiyiinta ku sugan dalka Itoobiya oo ka deyrinaya xaaladda gobolka Tigray

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 24, 2024
3 Min Read
Share

Addi Ababa-(SONNA)-Diblomaasiyiinta ku sugan Itoobiya oo walaac xoogan ka muujiyay xaaladda sii xumaaneysa ee  gobolka Tigray markii dhawaan iska hor imaadyo rabshado wata ay ka dhaceen degmada Raya Alamata ee ku taalla Koonfurta gobolka Tigray, waxaana soo ifbaxaya cabsida laga qabo in mar kale gobolka Tigray galo colaad cusub.

Colaaddan soo noqnoqotay ayaa muujineysa sida uu Abiy Axmed ugu fashilmay hogaanka dalka Itoobiya, waxaana iska soo daba  baxaya baaqyada  ka imaanaya qaar ka mid ah safiiradda ku sugan Addis Ababa kuwaas oo walaac xoogan ka qaba colaadda kusii baaheysa deegaanada kala duwan ee dalka Itoobiya.

Safiiradda dalalka Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay Addis Ababa, ayaa  carrabka ku adkeeyay  muhiimadda ay leedahay in xukuumaado gudato waajibka kaga aaddan ilaalinta muwaadiniinta iyo nabadda guud ee dalka.

War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen safiiradaan ayaa ku baaqaya in xiisadda la dejiyo, lana ilaaliyo dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday.

Safiiradu waxay tilmaameen in wada-hadal loo dhan yahay oo ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada ay khusayso inuu  yahay hannaanka kaliya ee looga hortagi karo colaadaha kusii fidiya gobolada Itoobiya.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegay in dad ku dhaw 29,000 oo qof ay ka barakaceen degmada Raya Alamata kuwaas oo  u qaxay magaalada Kobo ee Woqooyiga Wollo iyo magaalada Sekota ee Wag Xamra ee gobolka Amxaarada.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in tiradan ay sii kordhi karto maadaama colaaddu kusii fideyso deegaano hor leh.

Maamulka Abiy Axmed oo qaatay siyaasad ku dhisan cabsi gelin iyo handadaad  ayaa ka dhigay mustaqbalka Itoobiya mid aan la isku halleyn karin, waxaana sii badanaya dadka ka cararaya colaadda si ay u helaan meel ay ugu noolaadaan nabad.

Khubarada gobolka ayaa ka digaya natiijada ka dhalan karta colaadda ka taagan gudaha Itoobiya oo ah mid saameyn ku yeelan doonta deganaanshaha iyo nabadda  Geeska Afrika.

Amni darrada ka jirta gobolada Itoobiya ayaa sababtay in ay adkaato in loo gurmado dadka ay dhibaato soo gaaraty kuwaas oo u baahan gargaar cunto iyo biyo, sida ay sheegeen qaar ka mid ah hay’adaha samafalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Horumarka Afrika

Muqdisho(SONNA)-:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, oo maanta khudbad muhiim ah ka…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Warbaahinta Caalamka oo siyaabo kala duwan uga hadlay kulankii Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al- Sisi,…

GudahaWararka
January 22, 2024

Maxkamadda gobolka Banaadir oo la filayo in ay go’aan ka soo saarto Eedeysanayaasha Musuq-maasuqa loo haysto

Muqdisho,(SONNA);-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu wada inka soo saarto xukun dacwad loo haystay Saraakiil ka ka laka tirsan qaar ka…

GudahaWararka
September 28, 2023

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ajandayaal dhowr ah ka dooday+sawirro

Muqdisho (SONNA)-Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu Shir Guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka 1-Aad Ee Golaha Shacabka Mudane…

Wararka
October 23, 2019

Madaxweyne Xasan oo ka tacsiyeeyey geerida Cismaan Maxamed Jeelle

Doha(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu…

GudahaWararka
May 18, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023