Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray xarunta howlgalka deg-degga ah ee Caafimaadka dadweynaha gobolka Banaadir.
Xaruntaan oo laga hirgeliyay degmada Xamarweyne ayaa noqon doonta mid la socota dhaq-dhaqaaqyada xaaladaha Caafimaadka ee gobolka ka jira iyo uruurinta xogaha, sida uu sheegay Agaasimaha Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamed.
Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in xaruntaan howlgalka deg-degga ee Caafimaadka dadweynaha ay qeyb weyn ka qaadan doonto daboolida adeegyo Caafimaad oo ay baahi u qabaan Bulshada Gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka ay ka goโan tahay horumarinta adeegyada Caafimaadka, wuxuuna faray Agaasinka Caafimaadka Dowladda hoose ee Xamar in xoogga la saaro arrimaha Faya-dhowrka si loo ilaaliyo bad-qabka bulshada.