๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ-(SONNA)-Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Maxamed Aadan Macallin (Maxamed Soomaali) ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, waxaana looga wada hadlay xoojinta iyo xiriirka Wadashaqeynta ee ka dhaxeeyso Wasaaradda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta.
Sidoo kale Shirkan waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Maxamed Soomaali ayaa bogaadiyey Shaqada ay Shirkaddaha Isgaarsiinta u hayaan Bulshada Soomalaaliyeed iyo sida ay hanti badan ugaliyeen dalka iyaga oo qeyb weyn ka ah kobaca dhaqaalaha dalka.
“Sida aan la socono adduunka Shirkaddaha dal kasta leeyahay waa lagu faanaa, Wasaaradda waxa ay u shaqeysaa ganacsatada Soomaaliyeed, waxaad u baahan tihiin in la xoojiyo shuruucdii la idinku difaaci lahaa oo diyaar ah, duruufaha aad ku shaqeysaan waa fahmayaa, waxaana rajeenayaa in tartanka Shirkaddaha uu noqdo mid hufan oo dan u ah bulshada Soomaaliyeedโ.
Madaxda shirkadaha isgaarsiinta ayaa dhankooda ka mahad celiyey kulanka gaar ah ee ay la yeesheen Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, waxayna ballan qaadeen in ay si dhow u wada shaqeyn doonaan.