Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay Masaajidka Isbaheysiga Islaamka salaada ciida kula tukaday, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo kumanaan shacab ah oo isaga kala yimid magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalmahan barakaysan ee Ciiddul Fidriga, shacabka Soomaaliyeed ayuu Alle uga baryay in sannadkan kiisa xigga ay ku gaaraan, amni, barwaaqo iyo caafimaad, isagoo ku baaqay in dadka tabarta yar la garab istaago.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, oo ku howlan xaqiijinta amniga dalka iyo ciribtirka argagixisada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe, wasiiro, Xildhibaano ayaa kamid ahaa madaxdii sidoo kale salaadda kula tukaday Isbaheysiga Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.