Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga
    September 6, 2025
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiir Daa’uud Aweys “Waxan Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laabto, sababo la xiriira faragelinta”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Daa’uud Aweys “Waxan Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laabto, sababo la xiriira faragelinta”
GudahaWararka

Wasiir Daa’uud Aweys “Waxan Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laabto, sababo la xiriira faragelinta”

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: April 9, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya: Waxaan Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laabto, sababo la xiriira faragelinta soo laalaabatey ee Addis-Abbaba ku hayso qarannimada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac sheegay in tallaabada ay DFS qaaddey ay jawaab u tahay falalka ka baxsan shuruucda caalamiga ee ay Ethiopia ku hayso qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, sidaa darteedna ay ka dalbatey Danjirihii Ethiopia u fashiyay Soomaaliya inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Wasiirka oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Carabta ee (AWP) ayaa intaas ku daray in go’aanka lagu xirayo labada qunsuliyadood ee Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee Soomaaliya uu ku yimid, iyada oo laga jawaabayo xadgudubyada joogtada ah ee ay Itoobiya ku hayso madax-bannaanida dalka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Somaliland iyo Puntland ay yihiin labo gobol oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu intaas raaciyay in labada qunsuliyadood ee Ethiopia ay ku shaqeynayeen ogolaanshiyaha iyo raali ahaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse ay meesha ka baxday sharcigii ay ku shaqeynayeen, isla markaana ay Dowladda Federaalka go’aansatay in ay joojiso ogolaanshihii hore ay u haysteen.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaa muhiim ah in Ethiopia ay ixtiraamto shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka diblomaasiyadeed ee Axdiga Geneva, kuwaas oo lagu maamulo, laguna xakameynayo hannaanka diblomaasiyadeed ee waafaqsan heshiisyada caalamiga ah”.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey tillaabooyinka sharciga ah ee dalkiisu ka qaadi karo Ethiopia, ayaa yiri “Waxaan diyaar u nahay inaan qaadno dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan u ilaalinno qaranimadeenna iyo midnimada dhulkeenna”

Wasiir Daa’uud Aweys waxa uu carrabka ku adkeeyay in xiisadda taagan si deg deg ah loo xallin karo hadii hogaanka Addis-Abbaba uu joojiyo hab dhaqanka mas’uuliyad darrada ah, kaas oo aan khatar ku ahayn Soomaaliya oo kaliya balse dhibaato ku ah gobolka Geeska Afrika oo dhan.

Wasiirku waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysaneyso mowqifkeeda ku aaddan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah iyo in ay nabad iyo xiriir wanaagsan la wadaagto deriska iyo caalamka intiisa kale.

Waasiirka ayaa yiri, “Waa nasiib darro in Ethiopia aysan dan ka lahayn xeerarka maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ujeeddadoodu tahay ilaalinta nabadda gobolka”. Beesha caalamku isha ayay ku heysaa xaaladda dhabta ah iyo colaadda ka taagan gudaha Ethiopia. Waddadda kaliya ee furan waa in si nabad ah lagu xalliyo dhibaatooyinkaas, balse madaxda Ethiopia halkii ay ka xalin lahaayeen mashaakilaadkooda gudaha ayaa waxay door bideen in ay qaadaan tallaabooyin ay colaado cusub uga abuureyaan gobolka, khatarna keeni kara.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga

Baydhabo(SONNA):-Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur-galbeed oo looga…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab kala wareegay deegaan ka tirsan Jubbada hoose

KISMAAYO-SONNA- Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maleeshiyada argagaxisada Al-shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan gobolka…

GudahaWararka
September 5, 2020

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Golaha shacabka 

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa shir guddoomiyay kulanka 23-aad ee Guddiga…

GudahaWararka
June 15, 2023

Shirka guddoomiyeyaasha baarlamaanka Carabta oo lagu soo gabagabeeyay Qaahira

Qaahira-(SONNA)-Waxaa magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar lagu soo gabagabeeyay shirka shanaad ee guddoomiyeyaasha Baarlamaanka dalalka Carabta. Shirka ayaa waxaa…

GudahaWararka
February 14, 2023

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Kulan la qaatay Danjiraha Norway ee Soomaaliya “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha Dowlada Norway ee Soomaaliya Ambassador…

GudahaWararka
June 16, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023