Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 10- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Ceeldheer,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Xaradheere ay keensadeen 6-dhibcood.
Tartameyaasha labada degmoo eeย Ceeldheer iyo Xaradheere ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkiiย Afar iyo tobnaadย oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankigaย IBSย iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartanka caawa waxaa kulanka kama dambeysta ah ku baratami doona degmooyinkaย Xamarweyneย iyoย Laascaanoodย oo ka kala tirsan Gobolladaย Banaadirย iyoย Sool,iyadoo ciddii badisa ay ku guuleysan doonto tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeybgaleenย 32ย degmo oo ka kala tirsan Gobollada dalkeenna..