Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM
    September 28, 2025
    Kulanka Hordhaca ah ee Yagleelidda Ururka Qiimeynta Soomaaliya
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo maanta la xarig jaray
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo maanta la xarig jaray
GudahaWararka

Xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo maanta la xarig jaray

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 1, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa maanta si rasmi ah u yeelatay xarun dhexe oo la jaanqaadaysa hay’adaha duulista ee caalamka ,taa oo maanta si rasmi ah xarigga looga jaray, wixii hadda ka dambeeyana ay ku shaqeyn doonaan maamulka, howlwadeennada iyo khuburada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA).

Dhismaha xarunta ayaa ka kooban labo dhisme oo dabaqyo ah oo ay ku yeelaan 30 xafiis oo waax walba ay leedahay hoolkeeda shirarka, hool weyn oo shir, masaajid, maqaayad, goobaha la dhigto gaadiidka iyo qaybo kale oo leh  nasniino, iyadoo dhismayaasha dhaqaalaha ku baxay uu yahay mid ay bixisay dawladda, halka ay dhammeystirkiisa iyo qalabeynta ay ka qaybqaadatay safaaradda dawladda Shiinaha ee Muqdisho.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in xarig-jarka xarunta ay u tahay dalka dhacdo muhiim ah , maaddama horumarada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay door ka qaateen isbeddelada dal oo ay ugu horreyso kobaca dhaqaalaha.

“Maanta waxay inoo ahayd waqti kale oo muhiim ah , waxaan xarig-jarnay xarunta cusub oo noqon doonta xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, oo loo dhisay qaab waafaqsan, isla markaana la jaanqaadaysa agabka iyo xafiisyadaba xarumaha hay’adaha duulista caalamka.  Hirgelinta dhismayaasha xaruntan cusub, waxay door dedejinaya ka qaadanaysa horumarka iyo wax-soosaarka waaxyaha Duulista Rayidka ee dalka.” sidaa waxaa sheegtay Wasiir Fardowsa.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan oo ka hadlay munaasabadda xarig-jarka ee dhismayaasha cusub ee xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sheegay inay door ka qaadanayaan xafiisyadan horumarinta howlaha shaqo, taa oo kor u qaadaysa wax-soosaarka iyo kobaca dhaqaalaha ee Hay’adda.

Munaasabadda oo ay ka qaybgaleen guddiga Gaadiidka iyo Duulista ee Golaha Shacabka, Xildhibaanno , mas’uuliyiin ka socday golayaasha dawladda iyo diblomaasiyiin , ayaa xubnihii u hadlay waxay boggaadiyeen horumarka deg deg leh ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Dhammeystirka dhismayaasha iyo qalabeynta xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qayb ka ahaa hiigsiga iyo qorshaha sannad laha ah ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo xilligan qorshaha dhow ay ka mid yihiin in sare loo qaado wax-soosaarka shaqo iyo in si la mid ah sare loo qaado duulimaadyo cusub oo caalami ah oo ay ugu horreynayso shirkadda duulimaadyada ee Egyptair iyo Saudi Arabian Airlines.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr.…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

AMISOM oo agab samofal ah  gaarsiisay  Barokacayaasha Baladweyne

Baladweyne.(SONNA… Maamulka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa maalinimadii shalay agab gargaar ah gaarsiiyay dadka ku barakacay daadadkii dhowaan…

Wararka
August 12, 2020

Khuburada sheybaarrada Beeraha iyo Xoolaha ee NTP oo ka doodaya horumarinta wax-soo-saarka

Muqdisho(SONNA):-Khubarrada ku sugan sheybaarrada Beeraha iyo Xoolaha ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), ayaa ka doodaya horumarinta wax-soo-saarka dalka, gaar ahaan…

GudahaSiyaasaddaWararka
October 23, 2024

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirka Maalinta Gabdhaha ICT-da

Muqdisho(SONNA)— Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyada oo kaashaneysa Machadka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Qaranka iyo Machadka SIMAD iLAB ayaa magaalada Muqdisho ku…

GudahaWararka
April 24, 2025

Saalax Jaamac “Xadaarad kasta oo ummadi gaadho waxay ku xiran tahay aqriska iyo qoraalka dadkooda”

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wsaare ku  xigeenka dalka ahna ku simaha ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa…

GudahaWararka
May 24, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023