Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Xukunka Askari dhac geystay oo Abahiis ku soo wareejiyay hay’adaha amniga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xukunka Askari dhac geystay oo Abahiis ku soo wareejiyay hay’adaha amniga
GudahaWararka

Xukunka Askari dhac geystay oo Abahiis ku soo wareejiyay hay’adaha amniga

By Bile
Last updated: March 30, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed, Dable Xoogga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan, Dable Xoogga Khaalid Maxamed Sheekh Muuse, Xasan Axmed Xuseen iyo Maxamuud Daahir Maxamed oo labaduba shacab ah, ayaa si wadajjir ah loogu soo eedeeyey burcadnimmo hubeysan iyo dhac ay ka geeysteen degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Shantaan eedeysane ayaa taleefano iyo lacago ka qaatay dad isugu jira shacab iyo askar aan xilligaasi hubeysaneyn oo shaqada fasax ka ahaa, iyaggoo dhaawac u geeystay qaar kamid ah dhibaneyaasha, waxaana eedeysaneyaasha ay falkaan ku geysteen hal qori oo Ak47 ah oo uu lahaa Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed.

Dhaca kadib Eedeysaneyaasha ayaa tagay Guriga Eedeysanaha koowaad Axmed Cali Maxamed, si ay u qeybsadaan taleefanada iyo Lacagihii ay soo dhaceen, ugu dambeynna waxay isku qabsadeen sida loo kala qaadanayo, halkaasna waxaa ka dhashay buuq ku dhowaaday gacan ka hadal.

Intaasi kadib Dable Axmed Aabihiis oo guriga ku sugnaa, ayaa ku soo baxay buuqa eedeysaneyaasha, markii uu arkay in wiilkiisa iyo saaxiibadiis ay isku heystaan, iskuna dagaaleen taleefanada iyo lacagtii ay soo dhaceen, ayaa waxa uu qaatay go’aan dhif iyo naadir ah oo ku dayasho mudan, waxa uu wacay Ciidanka Booliska degmadda Afgooye, isaggoo ku war geliyey falka ay ku kaceen. Wiilkiisa iyo saaxiibadiis, halkaasi ayaana lagu soo xiray Eedeysaneyaasha taariikhdu markii ay aheyd todobada Bishii labo iyo tobnaad 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Q.S, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Labaatan iyo todobadii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray shanta eedeysane, waxaa lagu kala xukumay:-

1- Ex Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed, ayaa lagu Xukumay 8 sano oo Xabsi ciidan ah iyo in laga saaray kamid ahaanshiyaha ciidanka xoogga dalka.
2- Ex dable Xoogga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan iyo Ex dable Xoogga Khaalid Maxamed Sheekh Muuse, ayaa lagu xukumay min Shan sano oo xabsi ciidan ah iyo in laga saaray kamid ah ahaanshiyaha Ciidanka xoogga dalka.
3- Xasan Axmed Xuseen iyo Maxamuud Daahir Maxamed, ayaa iyagana lagu xukumay min shan sano oo Xabsi ciidan ah.

Sidoo kale waxaa lagu xukumay dhammaan inay bixiyaan Taleefanada iyo lacagihii ay dhaceen.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

TAGGED:Xukunka Askari dhac geystay oo Abahiis ku soo wareejiyay hay’adaha amniga
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Xoogga oo hawlgal qorshaysan ku dilay 26 dhagar qabe

Mudug(SONNA):-Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa Duqeyn ku dilay 26 dhagar qabe oo Khawaarijta ka tirsan kuwaas…

GudahaWararka
January 7, 2024

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil toogasho ah ku fulisay Askar horay u dishay dad shacab ah

Muqdisho.(SONNA):- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa aroornimadii hore ee saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay Qaasim Ducaalle Cabdi oo…

GudahaWararka
February 18, 2023

SoDMA oo Muqdisho ku qabatay kulan ku saabsan u adkeysiga aafooyinka

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray kulan looga hadlayay u…

GudahaWararka
October 22, 2024

Laba Qof oo lagu dilay Gaarrisa iyo rabshado halkaasi ka taagan

Gaarrisa-(SONNA)-Magaalada Gaarrisa ee Waqooyi bari Kenya ayaa saakay kacsan, markii ay isu soo bax rabshada wata sameeyeen Boqolaal Qof oo…

WararkaWargayska
July 26, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023