Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Baarlamaanka Soomaaliya oo soo gabagabeeyay dooda 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Baarlamaanka Soomaaliya oo soo gabagabeeyay dooda 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka
GudahaWararka

Baarlamaanka Soomaaliya oo soo gabagabeeyay dooda 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka

By Bile
Last updated: March 23, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 29-aad ee Labada Aqal ee BJFS. Kulanka Guddoomiyaha waxaa ku wehliyay kuxigeenada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad.

Ajanadaha kulanka maanta oo ahaa sii-wadida dooda madaxyada 3-aad iyo 4-aad oo ku jira cutubka 4-aad ee wax-ka-bedelka Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna Xidhibaannada aragtidooda ka dhiibteen qodobadii ka harsanaa dooddii madaxyada 3aad iyo 4aad ee cutubka afaraad.

Dooddan afarta cutub ee soo bilaabatay 12, Febraayo 2024, socotayna in kabadan 40 maalmood ayaa inta badan Xildhibaanada iyo Sanatarrada labada Aqal ka yeesheen dood adag oo isugu jirta sixid, tirid, siiqayn iyo su’aalo waydiin guddiyada soo diyaariyay soojeedintan.

Guddoomiyaha Guddiga La-socodka Wax-ka bedelka Dib-u-eegista Dastuurka Xil. Xuseen Iidow oo dooda ka dib ka hadlay soo jeedimaha Xildhibaannada ayaa mid mid u dul istaagay qodobadii ay  aragtidooda ka dhiibteen Xildhibaannada iyo Senatorrada  ee Baarlamaanka 11aad, isagoona sharxay qodob kasta faqraha uu ka koobnaa.

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Dib-u-eegista Dastuurka Burhan Aadan Cumar, oo Xildhibaannada aragtooda dhiibtay u soo bandhigay qaab qoraal ah, isagoona dulmar kooban ku sameeyay Xildhibaan kasta aragtida uu ka dhiibtay qodobadii iyo faqradihii ku qornaa cutubka afaraad ee dib-u-eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunnaanadka soo xiray fadhiga maanta ayaa  sheegay in dooda cutubka 4-aad uu inta ku egyahay, isla-markaana Guddiga Dastuurka looga baahanyahay in ay soo khulaaseeyaan soo jeedimaha Xildhibaanada.

TAGGED:Baarlamaanka Soomaaliya oo soo gabagabeeyay dooda 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Koox hubaysan kuna eedeysan dambiyo culus oo lagu qabtay deegaanka Garasbaaley

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee ka hawlgala Saldhigga Boliiska deegaanka Garasbaaley ayaa maqribnimadii caawa gacanta ku soo dhigay shabakad…

GudahaWararka
February 28, 2024

Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay inay dileen 20 katirsan argagixisad Al-Shabaab

Muqdisho(SONNA)-Ciidamadda Xoogga Dalka  ayaa degaano katirsan gobolka Galgaduud ka sameeyay howlgallo ay ku dilay inka badan 20-maleeshiyaad katirsan argagixisada Al-shabaab…

GudahaWararka
January 26, 2022

WAR-SAXAAFADEED: In ka badan 10-dhagarqabe oo lagu dilay hawlgal ka dhacay Jubaland

Muqdisho (SONNA): Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada amniga Dowlad-Goboleedka Jubaland ayaa maanta…

GudahaWararka
February 10, 2026

Ra’iisul wasaare Rooble oo khudbad ka jeediyay Bandhig Buugeedka Nabadda ee Galkacyo

MUQDISHO (SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad ka jeediyey Xiritaanka Bandhig Buugeedka Nabadda ee…

GudahaWararka
October 16, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023