Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw safar shaqo ugu ku gaaray dalka Ereteriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Eriteriya ay booqasho labo maalin ah uga bilaabatay ayaa kula kulmi doono dhiggiisa dalkaas Isaias Afwerki, kaas oo ay ka wada hadli doonaan iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.