Baydhabo (SONNA): Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Baydhabo deeq raashin Gaarsiiyay Xaasaskii ay Ka Tageen Geesiyaashii Naftooda ku waayay Xuraynta Dalka iyo La dagaalanka Khawaarijta.
125 qoys oo heysata caruurta agoonta ay ka geeriyoodeen qaar kamida Ciidamadii u shahiidey difaaca dalka ayaa maanta ka gudoonsiiyay raashiin dhameystiran si ay ugu soomaan.
Saraakiisha kale duwan ciidamada amaanka ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa goobta rashiinka lagu bixinaayey.
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta kale ee dalka in ay ka war heeyaan agoonta ragii u geeriyoodey difaaca dalka.