Nairobi-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan SoDMA ayaa magaalada Nairobi kula kulmay hoggaanka safaaradda Australia, (Australian High Commission).
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa wadashaqeynta labada dhinac la isaga kaashan lahaa taageerada dedaallada bani’aadannimo iyo wax ka qabashada xaaladaha deg-degga ah.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalim ayaa uga mahadceliyay dowladda Australia taageeradooda deeq-bixin ee muddada dheer ah, taas oo gacan ka geystay wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo ee Soomaaliya.