Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wasiirka Beeraha XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay weheliyaan Wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sida Wasiirka Qorsheynta iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay Wakiilka Soomaaliya eeย Sanduuqa Horumarinta Beeraha Caalamka (IFAD).
Kulankaan ayaa waxa lagu gorfeeyay heshiis lagu maalgelinayo horumarinta beeraha Soomaaliya, kaas oo uu maalgalinayo Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha ee magaciisa loo soo gaabiyo IFAD.
Kulanka kadib Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiiska mashruuca maalgalinta horumarineed ee Beeraha Soomaaliya kaas oo taagri doona wax soosaarka Beeraha Dalka, oo hadii ay helaan maalgalin rasmi ah qeyb weyn ka qaadan doona sare u qaadidda dakhliga Dowladda.