Muqdisho (SONNA):- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Maanta Xariga ka Jaray Masaajidka Al Xaaji Sheikh Maxamuud oo laga hirgaliyey Xarunta Taliska Guud ee Villa Baydhabo
Taliyaha Arurka 38-aad ee Taliska Guud G/Sare Salaad Xasan Jaamac iyo saraakiil kale ayaa goobjoog ka ahaa xarig jarka Masaajidkaan cusub, waxaana Taliyaha uu ku amaanay saraakiisha juhdiga ay galiyeen in xerada ay ka dhisaan Masjid lagu cibaadaysto.
Ma jirto meel ka wanaagsan oo dhaqaale lagu bixin lahaa dhismaha guriga ilaahay, waadna ku mahadsantihiin dhismaha masaajidkaan quruxda badan ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin.