Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖asaaraha XFS 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐫𝐚𝐱𝐚 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐢𝐢𝐟 𝐒𝐚𝐚𝐥𝐚𝐱 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐔𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka
    December 13, 2025
    Arday aan gelin Imtixaanka Dowladda ee 2015 -2016 oo loo ogolaaday in la siiyo Shahaaddada
    December 13, 2025
    RW Xamsa Cabdi Barre oo Wasiirro cusub magacaabay
    December 13, 2025
    Wasiirka Difaaca XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Capt. Antonino Mazzocca
    December 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Itoobiya oo xirtay wariye u dhashay dalka Faransiiska
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Itoobiya oo xirtay wariye u dhashay dalka Faransiiska
GudahaWararka

Itoobiya oo xirtay wariye u dhashay dalka Faransiiska

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 28, 2024
3 Min Read
Share

Addis Ababa-(SONNA)-Dawladda Federaalka dalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay weriye u dhashay dalka Faransiiska oo booqasho ku tagay dalkaas.

Antoine Galindo  oo ah suxufi  u shaqeeya shabakadda wararka ee Africa Intelligence oo loo soo gaabiyo (AI) ee fadhigeedu yahay magaalada Paris ee dalka France ayaa waxaa xiray ciidamo dhar cad ah maalinimadii khamiista isaga oo ku sugan Hotelka Ethiopian Skylight, sida uu sheegay gudiga difaaca saxafiyiinta ee CPJ.

Xiligaasi, wariyaha faransiiska Antoine Galindo waxa uu waraysi la yeeshay Bate Urgessa  oo ah afhayeenka jabhadda Oromada ee loosoo gaabiyo (OLF), afhayeenka ayaa sidoo kale la xiray.

Suxufigaan ayaa lagu eedeeyay in uu qeyb ka yahay shirqool lagu doonayay in qalalaase looga abuuro dalka Itoobiya, iyadoo warbaahinta African intelligence oo uu u shaqeeynayay ay tilmaamtay in xariga wariyahaan uu yahay mid cudur la’aan ah, waxa ayna ku baaqday in si deg deg ah loo sii daayo.

“Eedaymaha been abuurka kuma saleysna wax cadeyn ah oo la taaban karo oo marmarsiinyo u noqon kara xorriyadda laga qaaday,” ayay tiri.

Wariyaha Faransiiska u dhashay ayaa dalka Itoobiya u joogay warbixin ku saabsan shir-madaxeedka ururka Midowga Afrika iyo warar kale, sida ay sheegtay Africa Intelligence oo ah warbaahintii uu ushaqeeynayay.

Waxa ay sheegtay sidoo kale in uu haysto dal-ku-gal u ogolaanaya in uu dalka ka shaqeeyo, dawladda Itoobiyana ay ka warhayaan hawsha loo diray.

Arintaan ayaa waxa ay kusoo aadeysaa iyadoo dhawaan maamulka Itoobiya uu xiray Muxudiin Maxamed oo ah wariye ka howlgala dowlad deegaanka Soomaalida.

Ururka saxafiyiinta gobolka Soomaalida ee loo soo gaabiyo (SRJA) ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo wariye Muhudiin Maxamed oo ay ciidamada ammaanka gobolku ay xireen  13-kii February, 2024-ka.

Sida uu sheegay Cabdirisaaq Xasan oo ah gudoomiyaha ururka saxafiyiinta gobolka Soomaalida, Muxudiin waxa loo xiray sababo la xiriira qoraalo uu ku soo qoray baraha bulshada oo uu kaga hadlay hakad ku yimid isku socodkii gaadiidka ee magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida, kadib booqashadii uu dhawaan ku tagay raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta ayaa shaaca ka qaaday in Muxudiin uu ku xirnaa xabsi aan la shaacin muddo 7 maalmood ah, isagoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin. Kadib waxaa loo gudbiyay saldhigga booliska ee Aagga Faafan, wuxuuna ka soo muuqday maxkamadda 20kii bishaan Febraayo, isagoo wajahaya eedeymo ah inuu faafiyay dacaayad been abuur ah. Maxkamada gobalka ayaa 10-maalmood u ogolaatay boliiska si ay baaritaanada ugu sameeyaan.

Iyadoo ay sii kordhayaan qalalaasaha rabshadaha wata iyo dagaalada ka soconaya gudaha itoobiyaa ayaa maamulka itoobiya waxa uu bilaabay beegsiga saxafiyiinta madaxa banana iyo kuwa caalamiga ah si aan loo ogaan xaiiqada jirta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖asaaraha XFS 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐫𝐚𝐱𝐚 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐢𝐢𝐟 𝐒𝐚𝐚𝐥𝐚𝐱 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐔𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

Muqdisho,(SONNA):-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Caawa ka qeyb…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada Danab oo la wareegay deegaanno cusub oo \ka tirsan Gaal-gaduud

Ciidanka Kumaandooska XDS ee Danab ayaa maleeshiyaadka khawaarijta Al-shabaab kala wareegay goobo cusub iyo difaacyo  ay ku lahaayeen deegaanada Geryaale,…

Gudaha
April 14, 2023

SODMA oo Baydhabo dirtay afar diyaarad oo sida shixnado gargaar ah

Muqdisho(SONNA):-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxa ay u…

GudahaWararka
November 5, 2024

Guddoomiye Cumar Filish oo kormeeray dhismaha waddada dheer ee isku xirta isgoysyada Afarta darjiino iyo Maanabolyo ”SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray dhismaha  waddada laamiga…

Wararka
January 19, 2021

Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka cusub ee…

GudahaWararka
April 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023