Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Sweden Ambassador Joachim Waern.
Guddoomiye Sheekh Aadan iyo danjiraha ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal, doorka Dowladda Swedish-ka kaga jirto gaarsiinta maashaariicda horumarineed ee dalka laga fuliyay, waxaana uu danjiraha xusay in dowladda Sweden taagereyso howlaha hortabinta leh ee horyaala Golaha Shacabka.