Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Maxamed Cilmi ibraahim ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Maxamed Bin Axmed Al Muwallad.
Labada masโuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada dal ee xubnaha ka wada ah Jaamacadda Carabta, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa dhinacyada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.