Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ugu baaqay qurbajoogta in ay taageeraan ciidamada qalabka sida
    July 22, 2025
    Ra’iisulwasaare Xamsa: “Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay laf-dhabar u yihiin Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya”
    July 22, 2025
    Wasiirka arrimaha gudaha oo furay shirka ergooyinka SSC Khaatumo
    July 21, 2025
    Maamulka gobolka Banaadir oo go’aan ka soo saaray dhul-boob lagu hayey suuqa Bakaaraha
    July 21, 2025
    Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose
    July 21, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Shir-madaxeedka midowga Afrika oo looga hor yimid damaca Gurracan ee Itoobiya ku hayso Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shir-madaxeedka midowga Afrika oo looga hor yimid damaca Gurracan ee Itoobiya ku hayso Soomaaliya
GudahaWararka

Shir-madaxeedka midowga Afrika oo looga hor yimid damaca Gurracan ee Itoobiya ku hayso Soomaaliya

By Abdulkadir
Last updated: February 19, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Ururka Midowga Afrika oo labadi maalin ee la Soo dhaafay shir madaxeedkii 37-aad ku yeeshay xaruntooda magaalada Addis Ababa ayaa soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arrimo kala duwan oo khuseeya qaaradda.

Warmurtiyeedka laga soo saaray Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa waxaa kamid ahaa qodobo si gaar ah looga hadlay Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo xadgudubka gurracan ee Ethiopia.

Waxaa lagu bogaadiyey hoggaanka wanaagsan ee Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, dowladda Soomaaliya guulaha ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo saaxiibada la shaqeeya taageerada iyo naf hurnimada.

Midowga Afrika warmurtiyeedka uu soo saaray ayaa si adag uga hadlay Xadgudubka Ethiopia ee dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay heshiis beenaad ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa Itoobiya iyo maamulka gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Soomaaliland) 1-dii January 2024.

AU waxay mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay iyo inay taageerto midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax-bannaanida, dhammaan dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jirto Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa ugu baaqday labada dal in ay xiisadda dejiyaan oo ay wada hadal macno leh yeeshaan si arrinta xal nabadeed looga gaaro.

Midowga Afrika waxa uu sidoo kale ka codsaday Dowladaha xubnaha ka ah iyo Beesha Caalamka inay kordhiyaan kaalmada ay siiyaan DFS, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa ciidamadeeda Ammaanka, looga adkaan lahaa Al-shabaab iyo horumarinta is-dhexgalka bulshada iyo xasilloonida deegaannada cusub ee laga saaray. AU waxay ku ammaantay UN, EU, UK, US iyo saaxiibada kale taageeradooda dhaqaale iyo saadka ee joogtada ah ee ATMIS.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ugu baaqay qurbajoogta in ay taageeraan ciidamada qalabka sida

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa ka hadlay kaalinta muhiimka ah…

July 22, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qayb galay shirka Bangiga Adduunka iyo IMF

Washington-DC-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya ku matalaya shirka sanad laha ah ee Bangiga…

GudahaWararka
October 22, 2024

Mareykanka iyo K/Kuuriya oo dib u dhigay dhoolatus ciidan

Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed ayaa dib u dhigay dhoolatus ciidan oo ay dhaleeceeyeen Kuuriyada Waqooyi,kuwaas oo ku tilmaamay tallaabo la…

CaalamkaWararka
November 17, 2019

Guddoomiye Cumar Filish oo sheegay in ay wax qabanayaan baahiyaha gaarka ah ee Bulshada Boondheere+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane; Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) oo ay wehliyaan Gudoomiye ku-xigeneda Maamulka Gobolla…

WararkaWargayska
August 9, 2020

Cabista Sigaarka iyo isticmaalka Tubaakada waxaa ka dhasha halis Caafimaad

Maanta oo kale 31 Maajo danad walba waxaa loo asteeyay, maalinta caalamiga ah ee joojinta cabista Sigaarka iyo tubaakada, (WORLD…

GudahaHealthy
May 31, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023