Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖asaaraha XFS 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐫𝐚𝐱𝐚 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐢𝐢𝐟 𝐒𝐚𝐚𝐥𝐚𝐱 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐔𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka
    December 13, 2025
    Arday aan gelin Imtixaanka Dowladda ee 2015 -2016 oo loo ogolaaday in la siiyo Shahaaddada
    December 13, 2025
    RW Xamsa Cabdi Barre oo Wasiirro cusub magacaabay
    December 13, 2025
    Wasiirka Difaaca XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Capt. Antonino Mazzocca
    December 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiir Balcad “ Itoobiyaanku waxay isku dayeen inay madaxweynaha ka joojiyaan shirkii uu saakay ka qeybgalaayey”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Balcad “ Itoobiyaanku waxay isku dayeen inay madaxweynaha ka joojiyaan shirkii uu saakay ka qeybgalaayey”
GudahaWararka

Wasiir Balcad “ Itoobiyaanku waxay isku dayeen inay madaxweynaha ka joojiyaan shirkii uu saakay ka qeybgalaayey”

By Bile
Last updated: February 17, 2024
2 Min Read
Share

Addis Ababa-(SONNA)-Siihayaha wasiirka Arrimaha Dibadda ahna wasiiru dowlaha wasaaradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Cumar (Cali Balcad), oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay isku day ay dowladda Itoobiya ku dooneysay inay Madaxweyne Xasan Sheekh ay kaga baajiso shirka madaxweynayaasha dalalka Afrika oo uu doonaayey inuu ka jeediyo khudbad ku aadan xad-gudubka dowladda Itoobiya ay ku sameysay madax bannanida iyo midnimda jamhuuriyadda Soomaaliya kadib is afgarad beenaad ay kala saxiixdeen abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

“Madaxweynaha saakay markii uu damcay inuu aado shirka ayaa waxaa su’aal ka timid dhinaca amniga oo ku aadan cidda madaxweynaha baabuurka la raaceysa, Itoobiyaanku waxay ku doodeen inay iyagu la raacayaan, iyaga oo hubeysay, Annaguna aan ku doodnay in ciidamadeenna aan annagu wadano inay la racayaan taas ayaana keentay inuu socodka madaxweynaha uu dib u dhac ku yimaado” ayuu yiri wasiir Cali Cumar (Cali Balcad).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qayb galay furitaanka shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika gaar ahaan shirka madaxweyneyaasha ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladaha ka soo cusboonaaday gobolka, waxaana ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.

Madaxweyne Xasan shekh ayaa madaxweynayaasha dalalka afrika u sheegay in aan la aqbali karin talaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxeexdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya,  Madaxweynaha ayaa   tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo kuwa Afrika islamarkaana aan la aqbali karin.

Wasiirk Balcad “Madaxweynaha ayaa xilligii qadada kadib kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxdii shirka joogtay, asaga oo kulan la yeeshay Moussa Faki oo ah shir guddoonka Midowga afrika oo uu kaga dacwooday dhacdadii saakay. Intaas kadibna madaxweynuhu waxa uu go’aansaday inuu dib ugu soo laabto dalkiisa, iyada oo awalba qorshuhu ahaa in uu hal maalin uu soo joogo Addis Abab”.

 

 

 

TAGGED:Wasiir Balcad “ Itoobiyaanku waxay isku dayeen inay madaxweynaha ka joojiyaan shirkii uu saakay ka qeybgalaayey”
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖asaaraha XFS 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐫𝐚𝐱𝐚 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐢𝐢𝐟 𝐒𝐚𝐚𝐥𝐚𝐱 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐔𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

Muqdisho,(SONNA):-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Caawa ka qeyb…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Guudlaawe oo kulan fogaan arag ah la yeeshay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya

Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo waqti kooban dib ugu soo laabtay xafiiskiisa ayaa shir…

GudahaWararka
March 13, 2025

Shacabka degmada kaaraan oo qabaty dhagarqabe falal Amni daro ka geysan rabay degmada

Muqdisho(SONNA):-Shacabka ku nool degamada Kaaraan ayaa gacanta ku soo dhigay hal dhagarqabe   oo damacsanaa in uu fuliyo weerar. dhagar qabahan …

GudahaWararka
December 22, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Muqdisho-(SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo si rasmi ah u furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya 2025 (SIGF 2025) Muqdisho, 4 Nofembar…

GudahaWararka
November 4, 2025

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaan hoostaga Buurhakaba

Muqdisho(SONNA);-Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Buurhakaba ayaa howlgal qorsheysan oo ay ku fuliyeen deegaanka…

GudahaWararka
July 21, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023