Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgeshiga iyo tamarta cagaaran
    July 25, 2025
    Wasiirka gaashaandhiga XFS oo la kulmay wasiirka warshadaha difaaca dalka Azerbaijan
    July 25, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    July 25, 2025
    Taliyaha Ciidanka Badda oo ka qayb galay Bandhigga Carwada hubka ee lagu qabtay Istanbul
    July 25, 2025
    Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku soo qaaday deegaanada Sabiid iyo Caanoole
    July 25, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)
    July 25, 2025
    Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
    July 24, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Labada Aqal ee BFS oo maanta loo qeybiyay nuqulka soo jeedimaha wax ka bedelka Dastuurka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Labada Aqal ee BFS oo maanta loo qeybiyay nuqulka soo jeedimaha wax ka bedelka Dastuurka
GudahaWararka

Labada Aqal ee BFS oo maanta loo qeybiyay nuqulka soo jeedimaha wax ka bedelka Dastuurka

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 12, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):- Kulanka wadajirka ah ee ay yeesheen xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaa uu ku furmay 198-xildhibaan waxaana ajendaha kulanka uu ahaa Dib eegista dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed (Madoobe) ayaan shir guddoomiyay kulanka 11-aad ee labada gole BJFS, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa loo qeybiyay nuqulka soo jeedimaha wax ka bedelka dastuurka iyo warbixinta la socota,shintiriska ama jadwalka dooda oo ah wakhtiga ay soconeyso dooda la xiriirta arrimaha dastuurka gaar ahaan afarta cutub ee ugu horeysa.

Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta dastuurka ayaa mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka dalka la wadaagay warbixinta cutubyada ay soo diyaariyeen,qeybaha ay ka koobanyihiin iyo sidoo kale habka ay usoo diyaariyeen in ka doodistooda loo wajaho.

Sida uu qabo xeerhoosaadka golaha shacabka maanta dood kama furmeyn marka laga reebo suโ€™aalo ku aadan mabaadiiโ€™da guud waxaana qaar ka mid ah xildhibaanada labada aqal ay suโ€™aalo weydiiyeen guddiyada arrimaha dastuurka ka shaqeynaya oo dhankooda ka jawaabayay suโ€™aalaha la weydiinayay.

Waxyaabaha xildhibaanada qaar ay dooda ka qabeen ayaa ahayed wakhtiga lagu soo gaba gabeynayo ka doodista afarta cutub ee ugu horeysa dastuurka oo ay qaarkood sheegeen In ay aad u koobantahay loona baahanyahay wakhti intaas ka badan maadaamaa dastuurku aad u muhiim u yahay.

Xildhibaannada labada aqalka ee BJFS oo ka dooday mabaadi’da guud ee cutubyadda dastuurka ayaa soo jeediyeen in la ilaaliyo waqtiga rasmiga ah ee loogu talagalay jadwalka dooda, waxaa ayna Xildhibaannadu tilmaameen in lala tashado bulshada qeybaheeda kala duwan, lana dhageysto aragtiyada wax galka ah ee ay soo gudbinayaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta kulanka uu yahay mabaadi’da guud Xildhibaannada ay talooyinkooda muhiim tahay, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in dooda dastuurka ay bilaabaneyso kulanka xiga ee wadajirka ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgeshiga iyo tamarta cagaaran

Baku(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhinacyo badan taabanaya…

July 25, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay madaxtooyadda Qaranka Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Dalka…

GudahaWararka
April 22, 2025

Ra’iisul wasaare Rooble oo gaaray magaalada Garbahaareey.

Garbahaarey (SONNA)- Ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo. Masuuliyiinta gobolka,…

GudahaWararka
July 10, 2021

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Daah-furey Machadka Cilmi baarista ee (IRAD INSTITUTE)

Baydhabo, (SONNA): - Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Daah-furey Machadka Cilmi baarista iyo Doodaha…

GudahaWararka
March 7, 2024

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka…

GudahaWararka
October 5, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023