Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Labada gole oo maanta billaabay ka doodista cutubyada wax ka badalka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Labada gole oo maanta billaabay ka doodista cutubyada wax ka badalka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG
GudahaWararka

Labada gole oo maanta billaabay ka doodista cutubyada wax ka badalka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG

By Abdulkadir
Last updated: February 12, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa maanta ka furmay kulan Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo looga doodaya ansixinta wax ka badalka iyo dhammeystirka Dastuurka KMG oo muddo dhowr iyo toban sano ah qabyo ahaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ummadda Soomaaliyeed waxbadan sugayeen, isagoo Xildhibaannada ugu baaqay inay ilaaliyaan waqtiga inta lagu guda jira arintan aadka muhiimka u ah.

” Waxay umadda Soomaaliyeed naga sugeysay ayaa na horyaalo, arin masiiri ah ayaa laga hadlayaa, Guddiga dib u eegista Dastuurka waxaa laga rabaa inay Golaha si fiican uga dhaadhiciyaan howsha iyo muhiimadeeda”. Ayuu yiri guddoomiye Aadan Madoobe oo furay kulanka labada aqal.

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka BJFS Xildhibaan Xuseen Iidow oo labada gole la hadlay ayaa u gudbiyay soo jeedimaha wax ka badalka cutubyada 1-aad, 2-aad,3-aad iyo 4-aad ee Dastuurka KMG iyo warbaahin si faahfaahineyso soo jeedintaas ku xusan cutubyadaas, kaas oo uu soo diyaariyey guddiga madaxda banaan ee Dastuurka KMG ah.

” 63 sano ayaa laga joogaa markii ugu dambeysay ee Baarlamaan Soomaaaliyeed la hor keeno Dastuurka oo xilligaas ku qornaa Talyaani, halka maanta uu ku qoran yahay afkeena hooyo”. Ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka BJFS Xildhibaan Xuseen Iidow .

Labada gole ayaa loo qeybiyay nuqulka soo jeedimaha wax ka badalka Dastuurka,  iyadoo goluhu warbixin ka dhageystay guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee labada gole, waxaana toos u bilowday dooddiisu Dastuurka KMG.

Cutubyada 1-aad 2-aad 3-aad iyo 4-aad ayaa kiisa 1aad dooddiisu ay soco doontaa 14 bishaan Febraayo ilaa 19 bisha.Cutubka 2-aaad ayaa isna dooddiisu soco doontaa 21 Febraayo ilaaa 04 Marso halka cutubka 3-aad dooddiisa loo qorsheeyey 06 Marso ilaa 11 bisha. Cutubka ugu dambeeya ee 4aad ayaa loo asteeyey ka doodistiisa 13 Marso ilaa 23 Bisha waana dhammeystirka Marxaladda 2aad ee Cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda.

Kulanka labada gole oo ka duwan marka loo eego kulamadiisa hore marka laga eego ajandaha la xiriira Dastuurka oo shacabka Soomaaliyeed indha ku hayaan ayaa waxaa soo xaadirtay 170 Aqalka hoose ah iyo 28 oo Aqalka sare ah.

Dastuurka KMG oo cod kacan taag ah ku ansixiyeen 621 ergo sanadkii 2012-kii ayaa ilaa intaas ku soo socday KMG waxaana la sheegaa inuu yahay kan ugu waqtiga dheer uu dhaqaale badan ku baxay, waxaana lagu tilmaamay tani inay tahay guul wayn oo lagu soo afjarayo Dastuurka KMG in uu noqdo mid rasmi ah, iyadoo shacabka Soomaaliyeed bogaadiyey dadaallada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Dastuurka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Howlgal Qorshaysan oo lagu dilay Horjoogayaal sare oo katirsan khawaarijta 

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga iyo Geesiyaasha reer Xararadheere ayaa xalay hawlgal gaar ah ku khaarajiyay horjoogayaal sar-sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas…

GudahaWararka
March 16, 2024

Heegan oo guul ka gaartay Kooxda Jazeero kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Premier League

 Muqdisho(SONNA)-Kooxda kubadda cagta ee Heegan ayaa galabta guul ka gaartay naadiga Jazeero Sports Club, Kadib markii ay kaga adkaatay 2-1,…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka XFS oo xafiiskeeda ku qaabishay wafdi ka socda UN WOMAN

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay wafdi ka…

GudahaWararka
July 27, 2025

Shir looga hadlayay amniga Jubbaland oo lagu qabtay degmada Luuq

Luuq-(SONNA)-Madaxwayne kuxigeenka dowlad goboleedka Jubbaland mudane, Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga guud ee gobolka Gedo…

GudahaWararka
July 19, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023