Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 7, 2024
5 Min Read
Share

1-Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in xadgudubka Ethiopia ee badda Soomaaliya aan la aqbali karin, isla markaana aysan Soomaaliya diyaar u ahayn wadahadal ilaa iyo xukuumadda Addis Ababa ka laabato is afgaradka sharci daradda ah ee ay la gashay gobolka Somaliland ee Soomaaliya.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kooxda kubadda cagta ee Galmudug guddoonsiiyay koobka tartanka dowlad goboleedyada ee dhowaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

3-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulan la yeeshay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida ayaa kala hadlay dagaalka khawaarijta iyo ka hortagga dambiyada abaabulan ee ka dhanka rayidka.

4-Ku-Simaha Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrimaha amniga, qorshaha la dagaallanka Khawaarijta iyo ka mira dhalinta siyaasadda loo dhan-yahay.

5-Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xgeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ku-Xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka u qaabilsan Horumarinta Karaanka Aadanaha, Marwo Mamta Murithi.

6-Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay kulanka siyaasadda loo dhan yahay ee u dhexeeya xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo saaxibbada caalamiga ah ee Soomaaliya.

7-Ku-Simaha Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba aqbali karin xadgudubka qaranimada Soomaaliya ee ay Ethiopia ku dhaqaaqdey.

8-Kulamo isdabajoog ah oo looga soo horjeedo xadgudubka Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya oo weli ka socda dalka gudihiisa iyo dibeddiisa.

9-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Britain ayaa magaalada London ku qabtey qabtay mudaharaad ay ku diiddan yihiin xadgudubka Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

10-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane, Ahmed Moallim Fiqi ayaa Muqdisho ka daahfuray kulan ku saabsan wadatashiga, naqshadeynta iyo dib-u-eegista Hannaanka Qaran ee Wadajir.

11-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo wasiirrada maaliyadda ee dowlad goboleedyada dalka ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo fogaan arag ah, kaas oo looga hadley hawlaha qaran ee horyaalla.

12-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya kaga qayb galey shirka wasiirrada difaaaca ee waddamada ku bahoobey Isbaheysiga Militeriga ee La-dagaalanka Argagaxisada ee wadamada Islaamka (IMCTC).

13-Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo Golaha Shacabka horgeeyey hindise sharciyeedka dad-dhigista.

14-Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka, ayaa u yeeray Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley).

15-Ciidanka amaanka ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Sayid Cali Macalin oo xaaskiisa ku dilay Muqdisho, markii uu dab qabadsiiyay.

16- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa magaalada Kampala kula kulmay Taliyaha Ciidamada Milateriga Uganda General Wilson Mbadi.

17-Ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa soo qabtey horjooge Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Daqare) oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab, isla markaana ka mid ahaa la-taliyeyaasha Horjooga Al Shabaab, Axmed Diiriye.

18-Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaannada Jacar iyo Garab laโ€™ oo ka tirsan gobalka Galgaduud ayaa lagu burburiyay xarun ay Khawaarijtu ku keydsan jirtay hubka.

19-Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday adeegsiga bacaha oo khatar ku ah degaanka.

20-Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliya Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku-Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Soomaaliya George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan diiradda lagu saarayay saamayntii ka dhalatay masiibadii El Nino.

21-Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa magaalada Nairobi uga qeyb gashay shir caalami ah oo ku saabsan horumarinta jawiga maalgashiga iyo xoojinta dhaqaalaha qaxootiga ee soo laabtay.

22-Raktarka Jaamacadda Ummadda iyo safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay wada shaqeynta heyโ€™adaha waxbarashada.

23-Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) oo lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshaha qeybta basaasiinta ee maleeshiyada Khawaarijta Al Shabaab.

24-Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu baacsanayo Khawaarijta Al-Shabaab ka wada deegaanno ka tirsan HirShabeelle.

25-Gudoomiyaha Ururka Caalamiga ee Culimada Muslimiinta Sheekh Cali Muxyidiin Al-Qaradaaghi, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

ย 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka 14-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka

Muqdisho, (SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka…

GudahaWararka
February 22, 2024

Shir sanadeedka labaad ee Furdooyinka Urur Goboleedka EAC oo lagu soo gabagabeeyay Dalka Tanzania

Muqdisho(SONNA);-Shir sanadeedka labaad ee Furdooyinka Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania. Kulankani…

GudahaWararka
October 21, 2024

Raโ€™iisul Wasaarahaย  oo ku booriyey culimada in ay hoggaamiyaan dagaalka

Muqdisho,(SONNA):-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula…

GudahaWararka
November 2, 2023

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer shaqo ku tegay Deegaanka Bariire

Midship,(SONNA):- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka istiraatiijiga ah…

GudahaWararka
August 9, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023