Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta goobjoog ka ahaa kulan ajendahiisu ahaa; Wadashaqeynta Heyโaddaha Amniga iyo Qorshaha amniga Gobolka Banaadir kaas oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu warbixin siinayay Guddiga Arrimaha Gudaha Maamulada Goboladda Iyo amniga ee Golaha shacabka BJFS.
Kulanka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey ) iyo Xoghayaha Guddiga Xilldhibaan. Maxamed Ibrahim Xasan (Diyeeshe ).
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Guddiga warbixin Guud ka siiyey amniga caasimada iyo wax ka qabashada ciyaal weerada iyo mukhaadaraadka, xubnaha Guddiga ayaan mid mid ugu bogaadiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir shaqada adag uu u hayo Bulshada Soomaaliyeed .
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gudiga ayaa ugu mahadceliyey Guddoomiyaha gobolka Iyo wasiirkuba inay muhim tahay wada shaqeynta , isla xisaabtanka iyo kor- joogteynta ka Guddi ahaan.