Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo golaha shacabka horgeeyey Hindise sharciyeedka Dad-dhigista
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo golaha shacabka horgeeyey Hindise sharciyeedka Dad-dhigista
GudahaWararka

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo golaha shacabka horgeeyey Hindise sharciyeedka Dad-dhigista

By SB
Last updated: February 3, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta hordhigay golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Hindisaha-sharci ee Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah, isaga oo ka hor akhriyay sharcigan oo udub-dhexaad u ah qorsheynta howlaha hormarineed ee taabanaya nolosha muwaadinka oo ay dowlad fuliso.

Ugu horreyn, muadne Axmed Macallin Fiqi waxaa uu golaha u sharaxay sooyaalka nidaamkan isaga oo yiri โ€œ Hindisahaan-sharci ayaa nidaaminaya adeegga dad-dhigidda oo adeeg aad u fac weyn, kana mid ahaa adeegyadii ugu horreeyay ee ka hirgalay geyiga Soomaaliya muddo laga joogo boqol iyo laabatan sano, waxaana markii ugu horraysay uu ka dhaqangalay gobollada waqooyi ee Soomaaliya iyadoo Boqortooyadii Ingiriiska ee ka talinaysay dhulkaasi ay dejisay shuruuc nidaaminaysay arrimaha dhalashada, dhimashada, guurka iyo furiinka muddadii u dhaxaysay 1902dii illaa 1904tii. Sidoo kale, dowladdii Talyaaniga ayaa iyana soo saartay shuruucda nidaaminaysa arrimaha dad-dhigidda ee Soomaalidii iyo shisheeyihii xilligaasi ku noolaa Soomaaliya. Ugu dambeyn, waxaa adeeggii dad-dhigidda la middeeyay markii la qaatay xorriyada, israaceen labada gobol ayna dhalatay Jamhuuriyaddii 1aad Dalkeena taasi oo loo garanayay Jamhuuriyaddii Soomaalida, wuxuuna adeeggaasi si habsami leh u socday illaa burburkii Dowladdii Dhexe ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1991kii.

Hindisahaani-sharci oo ka kooban lix cutub iyo 46 qodob, isla markaana nidaaminaya diiwaangelinta iyo tirakoobka xaaladaha khuseeya dhalashada, guurka, furiinka, dhimashada iyo kafaalqaadka ubadka ayuu Wasiir Fiqi ku dheeraaday ujeedooyinkiisa sida;

(1). Dhisidda iyo hirgelinta adeeg Dad-dhigis oo midaysan, casri ah, tayadiisu sarreyso ah si fududna loo heli karo kuna baahsan dalka oo idil

(2). Nidaaminta iyo daadejinta hawlaha Dad-dhigista iyo bixinta shahaadooyinkooda

(3). Adkaynta kaalinta dowladaha hoose ay ku leeyihiin bixinta adeegyada Dad-dhigidda

(4). Yagleelidda xog-dhigga/kaydka Qaran ee dhammaan Diiwaanada Xaaladaha Madaniga ah iyo kuwa qoyska

(5), Soo-saarista warbixinnada Tiro-koobka Xaaladaha Madaniga ah kuwaasi oo tayadoodu sarrayso;

(6). Dhisidda heykal maamul oo u xilsaaran fulinta adeegyada Dad-dhigista iyo Tirokoobka Xaaladaha Madaniga ah iyo qeexidda doorarka ay kala leeyihiin;

(7). Hirgelinta xarumo diiwaan-gelin oo lagu fulinayo hawlaha Dad-dhigista iyo tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah

(8). Joogtaynta leylinta diiwaan-hayeyaalka, hawl-wadeennada iyo xirfadleyaasha fuliya hawlaha Dad-dhigidda ee heer qaran, dawlad-goboleed, degmo, tuulo iyo miyiga fog; iyo

(9). Xoojinta wada-shaqeynta heyโ€™addaha qeybta ka ah hawlaha Dad-dhigista iyo Tiro-koobka Xaaladaha Madaniga ah.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in adeeggan ay muwaadiniinta ka heli doonaan degoomiyinka dalka, iyada oo ay intaa dheer tahay in dhammaan shahaadooyinka ay bixinayaan dowladaha hoose ay yeelanayaan awood sharci iyo aqoonsasho isku mid ah iyo in muwaadinka ku heli doono shahaadada dad-dhigista qiimo jaban marka uu sharcigaani dhaqangalo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shacabka dalka Chili oo doortay madaxweyne cusub

Xildhibaan ka tirsan garabka bidix oo caan ku noqday mudaharaadyadii looga horjeeday dowladda dalka Chili , ayaa ku guuleystay doorashada…

Caalamka
January 7, 2023

Ciidanka Xoogga oo toogtay dhagarqabe,isla markaana qabtay sahay ku socotay khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Mesagawey ee gobalka Galgaduud ayaa saaka toogtay dhagar qabe ka tirsan Argagixisada kaas…

Gudaha
July 19, 2024

Wasiirka Duulista iyo hawada XFS oo booqatay xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Muqdisho(SONNA):'Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada XFS Fardowso Cismaan Cigaal oo uu wehliyo Maareeyaha hayโ€™adda Duulista Rayidka Axmed Macalin ayaa maanta…

GudahaWararka
November 5, 2024

22 askari oo Mareykan ah oo ku dhaawacmay shil diyaaradeed oo ka dhacay Suuriya

Milateriga Mareykanka ayaa sheegay in shil diyaaradeed oo nooceedu yahay Helikobtar uu ka dhacay waqooyi bari Suuriya,halkaasi oo ay ku…

Caalamka
June 13, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023