Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeeyeen 85 bartilmaameed oo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq si ay uga aargoostaan dagaalyahannada ay taageeraan Iran oo dhowaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku dilay saddex askari oo kamid ahaa ciidanka ku sugan Urdun .
ย Weerarada Mareykanka waxaa cambaareeyay saraakiisha Ciraaq,waxaana jira ย cabsi laga qabo in duqeymaha Mareykanka ee bariga dhexe ay sababaan ย in uu faafo dagaalka Gaza.
Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay MadaxdaTehran sida uu sheegay wariyaha Aljazeera ee ku sugan caasimada Iran.
In ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo barokacay ayaa ka baqaya weerar cusub oo ka yimaada milatariga Israa’iil, ka dib markii wasiirka difaaca Israa’iil uu ballan qaaday in uu weerarayo Rafah oo ah aag mar lagu tilmaamay “aag nabdoon”.
UNICEF waxa ay sheegtay in illaa 17,000 oo carruur ah oo Gaza ku sugan ay yihiin kuwa aad u nugul oo ay saameeyeen colaadaha ka jira Gaza ,isla markaana u baahan gurmad biniโaadanimo.
Ugu yaraan 27,131 qof ayaa la dilay, 66,287 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israaโiil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.