Muqdisho (SONNA):- Hawlgalka qorsheysan oo ay iskakaashadeen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareykanka oo ka dhacay gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.
Weerarka oo ay fuliyeen ciidanka Xoogga oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareekanka ayaa ka dhacay deegaan 45km waqooyi berri ka began magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ee dowlad goboleedka Jubbaland.
Howlgalkaan ayaa lagu dilay illaa afar xubnood ooย mid ahaa koox ka tirsan khawaarijta Al-Shabaab oo isku abaabulayay goobta la bartilmaameedsaday, mana jiro wax qasaara ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamka waxaa ka goโan ciribtirka kooxaha khawaarijta oo Qatar iyo duulaanka ku ah jiritaanka Soomaaliya.