Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir
    October 19, 2025
    Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga oo tababar uga furmay Muqdisho
    October 19, 2025
    Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa
    October 19, 2025
    Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga XFS oo tababar Muhiim ah daah-furay
    October 19, 2025
    Muxuu ku saabsan yahay heshiiska Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS iyo EUCAP?
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Warbaahinta Caalamka oo siyaabo kala duwan uga hadlay kulankii Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbaahinta Caalamka oo siyaabo kala duwan uga hadlay kulankii Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar
GudahaWararka

Warbaahinta Caalamka oo siyaabo kala duwan uga hadlay kulankii Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar

By Abdulkadir
Last updated: January 22, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al- Sisi, ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Qaahira,kadib qabtay shir jaraa’id oo ay kaga wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo xaaladaha gobolka.

Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay rabitaanka xooggan ee Soomaaliya ee ku aaddan inay Masar kala shaqeyso sidii ammaanka loo xoojin lahaa, gaar ahaan xilligan oo ay jiro damac gurracan oo Soomaaliya kaga imaanaya Itoobiya, isagoo intaas ku daray in Iskaashiga Masar iyo Soomaaliya ee dhinac kasta uusan  aheyn mid khatar ku ah waddan kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri isagoo ka hadlaya heshiiska Itoobiya iyo Maamulka gobolada Waqooyi Somaliland, “Ma ogolaanayno in dhulalkeenna uu qabsado dal kale oo ay ku jirto Itoobiya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi waxa uu sheegay in Masar aysan ogolaan doonin wax dhibaato ah oo soo wajaha Soomaaliya iyo amnigeeda, isagoo intaa raaciyay in dalkiisa uu diidan yahay in la faragaliyo arrimaha Soomaaliya.

“ ma ogolaan doono in loo hanjabo walaalaheen Soomaaliya, markastana waxaan diyaar u nahay in aan garab istaagno walaalaheen’ayuu yiri madaxweynaha Masar.

Warbaahinta Carabta iyo Caalamka ayaa iftiimiyay kulankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Sisi ee ku saabsanaa diidmada faragelinta arrimaha Soomaaliya.

Dhinaca Masaarida Akhbar Al-Youm portay, waxa ay boggeeda ku daabacday shirkii miro dhalka ahaa ee dhex maray madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Masar, iyadoo ciwaankeedu ahaa: “Madaxweyne Sisi: Soomaaliya waa waddan Carbeed… Ma yeeli doono. cid kasta in ay khatar geliso ama ay amnigeeda wax u dhinto”.

Russia Today ayaa ciwaan uga dhigay “Al-Sisi: Masar ma ogolaan doonto wax kasta oo khatar ku ah Soomaaliya iyo amnigeeda”.

Russia Today, oo soo xiganaysa hadalka Madaxweyne Sisi, ayaa yidhi: “Masar way diiday in la farageliyo arrimaha Soomaaliya.

Channel-ka Al-Hurra ayaa boggiisa Internet-ka ku daabacay kulanka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdifataax El-Sisi oo ciwaankiisu ahaa: “Bayaankii Masar ugu adkaa”…Fariinta Al-Sisi ee Itoobiya ka dib heshiiskii “Somaliland”.

Madaxweynaha Masar ayaa intaa ku daray: “Fariinta aan u dirayo Itoobiya waa… in ay isku daydo in ay ku boodo dhul ay isku daydo in ay maamusho, ma jirto cid ku heshiin doonta arrintaas”, isaga oo intaa ku daray in iskaashiga dhinaca horumarka uu yahay istaraatiijiyad wanaagsan.

Telefishanka France 24 ayaa cinwaankiisa ku qoray: “Sisi waxa uu ku nuuxnuuxsaday diidmada Masar ee ku xadgudubka madax-bannaanida Soomaaliya iyada oo uu jiro muran dhuleed oo u dhexeeya Muqdisho iyo Itoobiya.”

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shaaciyay in gobolka Banaadir iska diiwaan…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

kulan looga hadlayay sugidda amniga doorashada oo lagu qabtay magaalada Baraawe

Muqdisho.(SONNA):- Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi ayaa Guddoomiyey shir looga hadlaayey amniga guud ee…

GudahaWararka
February 5, 2022

Soomaaliya ayaa Iran uga tacsiyeysay geerida Madaxweynihii Iran oo shil diyaaradeed ku geeriyooday

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaliya ayaa Dowladda Dalka Iran uga tacsiyeysay Madaxweynihii Dalka Iran Ibraahim Ra'iisi oo shalay ku geeriyooday Shil diyaaradeed oo…

GudahaWararka
May 20, 2024

SoDMA oo gargaar gaarsiisay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Muqdisho(SONNA):-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA, oo ka jawaabaysa baahiyaha bani’aadannimo ee dalka, xoojineysana dadaallada xasilinta ayaa maanta gargaar loogu tala-galay…

GudahaWararka
May 30, 2025

Madaxweynaha Galmudug oo ku baaqay in wax kasta lagu dhameeyo isu tanaasul

Muqdisho (SONNA)-Madaxweyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor”  oo madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyay casuumadda loo fidiyay…

Wararka
December 30, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023