Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana
    September 28, 2025
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Madaxwaynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi oo digniin culus u diray Itoobiya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxwaynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi oo digniin culus u diray Itoobiya
GudahaWararka

Madaxwaynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi oo digniin culus u diray Itoobiya

By Bile
Last updated: January 21, 2024
3 Min Read
Share

Qaahira-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa maanta si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id oo daarnaa xiisda ka aloosan gobolka Geeska Afirka, gaar ahaan damaca gurracan ee Itoobiya.

Madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa sheegay in heshiis-beenaadkii Somaliland iyo Itoobiya ay wada galeen ay Masar ka qaadatay mowqif cad, isla markaana war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ay ku diiday heshiiskaas.

Al-Sisi Madaxweyanah Masar oo ka hadlay arintaas ayaa yiri, “Sidaas darteed waxa aan cadeyneynaa in Masar ay diidan tahay in la farageliyo arrimaha Soomaaliya ama meel looga dhaco madaxbanaanideeda.”

Al-Sisi oo sii hadlaya ayaa hadalkiisa sii raacsiiyey “Farriinta aan u dirayo Itoobiya si ay tas-hiilaad uga hesho walaalaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Ereteriya, waa in ay u martaa waddo sharci ah, kana faa’iidaysto dekedaha dalalkaas. Laakiin in la isku dayo in dhul xoog lala wareego, cidna ma ogola.”

Sidoo kale Madaxweynaha Masar ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay tahay dal Carbeed, isla markaana ay xaq u leedahay in si wadajir ah lagu difaaco sida uu dhigayo Axdiga Jaamacadda Carabta, khatar kasta oo ku soo wajahan, isaga oo si cad u sheegay in Masar aanay oggolaan doonin cid kasta oo dhibaato u geysata Soomaaliya ama wax u dhinto ammaankeeda.

“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xadgudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno,” sida uu yiri Madaxweyne Al-Sisi.

Dhanka kale Madaxweyne Al-Sisi ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay muddadii la soo dhaafay, “Waxaan idinku hambalyeynayaa guulaha aad ka gaarteen muddadii aad dalka hoggaaminaysay, saddex arrimood oo ay ugu horreyso xurreynta dalka iyo la-dagaalanka argagixisada oo saamayn weyn ku lahaa xasillooni-darrada ka jirtay dalka muddo labaatan ilaa soddon sannadood.”

Madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa intaa ku daray in guusha labaad ay tahay in Soomaaliya laga cafiyo deymihii lagu lahaa, waxaana guusha seddexaad uu ku sheegay in ay tahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyntii hubka ee saarneyd tan iyo 1991-kii.

Madaxweyne Al-Sisi ayaa sheegay in hoggaanka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, uu horseeday in Soomaaliya ay ku tillaabsato horumar, isaga oo carabka ku adkeeyay in xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu yahay mid taariikhi ah.

Madaxweyne Al-Sisi ayaa sheegay in qodobadii ay ka wadahadleen madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah, oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ciidamada iyo amniga.

TAGGED:Madaxwaynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi oo digniin culus u diray Itoobiya
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Ergeyga…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Khawaarijta oo qaarijiyey horjooge sare iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa(Warbixin)

Hiiraan(SONNA):-Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa deegaanka Buq Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan ku qaarijiyey horjooge sare iyo…

GudahaWararka
January 10, 2023

R/Wasaare Xamsa ku baaqay in la dardargaliyo howlaha ku aadan la dagaalanka khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Somaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku baaqay in la  dardargaliyo howlaha ku aadan la dagaalanka…

Gudaha
June 2, 2023

Wasiirka Haweenka oo Daah furtay Ololaha 16 Maalin ee Ka Hor tagga Tacadiyadda Dumarka “Sawirro”

MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah furtay…

GudahaWararka
November 26, 2020

IMF oo sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta

Muqdisho,(SONNA):- Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinta qiimaynta dib-u-eegista 5aad ee Barnaamijka ECF ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda…

GudahaWararka
March 20, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023