Muqdisho.(SONNA):- Admiral Faarax Qare ayaa si qoto dheer kaga hadlay damaca gurracan ee Dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeybo ka mid ah baddeena, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay tahay Dowlad Badeed, cadowgeedana uu noqon doono mid dhinaca Badda kaga yimaada, isagoo dhanka kale, shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaargarowbaan difaaca dalka.
” Itoobiya si cad ayay u sheegtay Dhulaa rabaa ayay tiri oo dego, horta awal inaan meel dhigano xaqaaq’ida ka jira dalkeenna, awal Soomaaliya waa Dowlad badeed horta, saddex jiho bad ayaa naga xigta, cadow kasta oo noo yimaado inuu bad ka imaan doono ama nin bad rabo inuu cadow noo noqon doono,”.
Sidoo kale, Admiral Faarax Qare ayaa hadalkiisa intaas ku daray in Lughaye oo ah halka cadowga Itoobiya uu damaca uu kaga jiro ay ku taalo dhex bartanka Bar-bara iyo Loowya-cadde, islamarkaana muddo dheer soo taxnaa daan-daansiga cadowga Itoobiya loona baahan yahay in loo midoobo sidii la isaga dhicin lahaa.
”ย Juqraafi ahaan marka aad fiiriso meesha uu cadowga bartilmaameedsaday ee Lughayo, Lughayo waxay dhex bartan u tahay Bar-bara iyo Xudduuda Loowya-cadde, tallaabtan, tallaabta xigta waa in dhulka lagaa qaato, Soomaali nimco ayaa taalo ee ballaayo ayaa la shidayaa,” ayuu yiri Faarax Qare.
Is-afgaradka dhexmaray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ah mid laga xumaado mana ahan oo kaliya mid qatar ku ah madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, sidoo kale, waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka, sida uu shirka IGAD ka sheegay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.