Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa
    June 7, 2025
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
    In ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay deegaanka Ceelhareeri ee G/Hiiraan
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Dowladda iyo shacabka oo ka dhiidhiyay gardarada Itoobiya ee Damaca Badda (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda iyo shacabka oo ka dhiidhiyay gardarada Itoobiya ee Damaca Badda (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Dowladda iyo shacabka oo ka dhiidhiyay gardarada Itoobiya ee Damaca Badda (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 11, 2024
9 Min Read
Share

Ra’iisul wasaaraha qar iska tuurka ah ee Ethiopia oo dhowrkii sano ee u dambeysa wajahaayay culeysyo Siyaasadeed oo uu kala kulmayay Dibada iyo Gudaha Ethiopia, iyadoo lagu xasuusto Dagaalkii Sudan, dagaalkii/Xasuuqii uu ka geystay Gobolka Tigrayga, haddana wuxuu hadda dagaal barakicin ah ka wadaa Degaanada Amxaarada iyo Oromada, kuwaasoo diidan siyaasadiisa qaris ka tuurnimada, iyadoo Khubarada ku takhasustay Xeerarka Caalamiga ah ay Hogaanka Dalka Ethiopia ku eedeeyeen inuu jabiyay mid ka mid ah Mabaa’dida Aas-aasiga ah ee Ururka Midowga Afrika iyo kan caalamka, isagoo fara-gelin qaawan iyo duulaan dhuleed ku sameysay mid kamid ah Dalalka Midowga Afrika oo ah (Soomaaliya), kadib markii heshiis bug ah ay ku doonaayaan iney si xoog ah u qaadato Xeebta Degmada Lughaya.

Warar wel wel xambaarsan ayaa laga soo sheegayaa degaannada Waqooyiga Soomaaliya, iyadoo Xooggaga Amaanka Degaannadaasi ay bilaabeen ugaarsi ay ku hayaan Culumaa’udiinka, Waxgaradka Dhallinyarada iyo Haween ka dhiidhiyay Heshiiska uu ku bixiyay Muuse Biixi Xeebta Lughaya iyo Waddo 90-Km ah oo oo xeebta ilaa Xuduuda ku teedsan, iyadoo dhinaca kalena la sheegayo Wararka dhiilada leh ayaa lagu soo waramayaa in Wadaadka Sheekh Mustafa Cabdi Cumar oo ka soo jeeda Beelaha Waqooyi ay habeen hore Hoyga uu degenaa ku weeraray Xoogag hubeysan ay Hormuud u yihiin Wiilka Muuse Biixi iyo Madaxa Sirdoonka Maamulka, iyadoo Rasaas badan ku argagax geliyeen Xaaska iyo caruurta Wadaadka inkastoo uusan Wadaadku xiligaasi ku sugneyn Gurigiisa, waxaana Magaalooyinka Burco, Sheekh, Boorame iyo Hargeysa la dhigay jid-gooyooyin Dadka & Gaadiidka lagu baaraayo, sida aan ka soo xiganay Ciise Xasan oo ah falanqeeye dhinaca Amniga ah oo jooga magaalada Helsinki ee cariga Finland.

“Ku darsoo Maleeshiyaad hubeysan iyo Gaadiid dagaal ayaa habeen hore ka baxay magaalada Hargeysa, iyagoo ku sii jeeda Magaalooyinka Lughaya, Seylac iyo Boorame ee Gobolka Awdal, si ay u caburiyaan Shacbiga Degaanadaasi oo diiday Heshiiska Is-fahamka lagu sheegay, waxaana ku wehliya Saraakiil Sirdoon oo ka tirsan Dalka Ethiopia”, ayuu siiracay.

Dhawaan ayay aheyd markii Magaalada Burco laga soo qabtay Wadaadka Cabdimaalik Coldoon, isla markaasna Tacadiyo iyo Jir-dil ay geystaan Maleeshiyaad ka tegay Magaalada Hargeysa, waxaana loo aaneynayaa Hadalo uu ku diidan yahay Heshiiska been abuurka ah oo uu dhawaan jeediyay, isagoo sheegay in wax laga xumaada ay tahay in Soomaaliland ay heshiis dhul ay ku siineysa Itoobiya la gashay.

Xadgududbka ay Itoobiya kula kacayso Soomaaliya  waa mid iyada u daran, sababtoo ah waa dal kala socda oo ay dagaallo sokeeye ka socdaan, qarkana u saran burbur, waxaana u sabab ah:- 1- Qowmiyadda Tigreega ku dhowaaad hal milyan oo qof ayaa looga dilay, waxaana la leeyahay isu abaabul ama dib isku diyaarin bay ku jiraan. 2- Gobolka Amxaarada bandow baa saaran, laakiin jabhaddoodu mararka qaar Addis-Abbaba ayay ilaa 100km u soo jirsataa. 3- Heshiiskii dawladda iyo Jabhadda Oromada wuu burburay, Wasiiru dawlihii Wasaaradda Nabadda Mr Taye Dandea ee dawladdu ku eedeyay in ay ka dambaysay fashilka heshiiska Xabsiga ayaa la dhigay, jabhadduna duleedka Caasimadda ayay ka dagaalantaa. 4- Dagaalladaasi waxay dalka geliyeen qarash balaayiin doolar ah, intaa waxaa u dheer in taliskii  Tigreegu uu horay u xaalufiyey qasnadda dawladda, halka musuqa baahsan u sii dheer yahay, kuwaasi oo sababay in dawladdu ay daynta iska bixin la’dahay. 5- Maamulka Abiy Inta badan deriska iskuma wanaagsana, dunida kalena cidna taageero kaga heli mayo in xiisad hor leh geeska Afrika ka aloosanto, iyadoo kuwii hore loo taag la’yahay, waxaa sidaasi qaba Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Waxaa kaloo uu Xildhibaankun qabaa in Itoobiya ay dowlad wanaagsan tahay Soomaaliya, waayo ayuu leeyahay, Halka Soomaalia ka soo kabatay; 1-  Dal isku soo noqonaya, dadkiisuna isku imaanayaan. 2- Dayntii laga cafiyey, cunaqabatayntii hubka laga qaaday, taasoo u saamaxaysa in dalku dhisto ciidan Soomaaliyeed oo ammaanka dalka la wareega, ilaaliyana gobbonimada, madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka. 3- Waxaanu leenahay qurbajoog firfircoon oo loobiga iyo abaabulka diblomaasiyadda si weyn uga qayb qaadan kara. 4- Waxaan ku baahsanahay geeska Afrika, ganacsi xooggana ku leenahay, waxaan nahay ummad leh dareen daandaansiga neceb, dullaysiga iyo damaca ajanbigana diida.

Xildhibaan Cabdiraxmaan waxa uu soo jeedinayaa “in Hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kan dawlad goboleeyada waxaa waajib ku ah; 1- In wax kasta loo quuro midnimada iyo wadajirka Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan walaalaheen Somaliland. 2- In la dhiso dawlad difaac qaran oo karti, aqoon, xirfad iyo waaya-aragnimo lagu xulay, meelna la iska dhigo damaca, danta gaarka ah iyo kooxaysiga. 3- In la qaado guluf diblomaasiyadeed iyo abaabul dadwayne, mudnaantana la siiyo sidii dalka looga difaaci lahaa cadowga dawladnimada iyo damaca shisheeyaha. 4- In Soomaaliya loo kasbo saaxiboo iyo dawlado aanu nahay dan isku tolan.

Maanta waxaa ka socda magaalada Muqdisho banana baxyo ballaaran Ujeedkiisu yahay in la muujiyo  diidmada gardarada Dowlada Itoobiya ee Damaca Badda, oo heshiis is afgarad xaaraan ah lagashay Maamulka Soomaaliland, kaasi oo ah damac baalmarsan Gobonimada iyo Midnimada dhuleed ee Jahmhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliyeed, kan Qaraaradaha, kan Gobolka iyo guud ahaan Qaanuunka Dowliga ah, iyadoo uu Banaan baxyadaan ka dhigan in ay Ummaddu ku cabirto shacuurtooda difaaca Qaranimada, wuxuuna ahaan doonaa mid taariikhi ah, iyadoo ay hoggaaminayay madaxda ugu sarreeysa Dalka.

Bannaan-baxyadaan ayaa ka dhacay caasimada Muqdisho waxaana ay qayb ka ahayeen bannaan-baxayo maalmihii la soo dhafay ka dhacayay dalka,dowladda Soomaaliya ayaa shacabka ugu baaqday in ay muujiyaan dareenkooda ku aadan xadgududubka Itoobiya ee madax-bannaanida dhulka iyo badda gayiga Soomaaliya,waxaana ay diidmo qayaxan kala hortimid JFS heshiid ku sheega ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland ee qaybta ka ah dhulka JFS.

Goobaha maanta dibad baxayadda ay ka dhaceen ayaa waxaa ka soo qeyb galay bulshada qeybaheed kala duwan oo doonayay in ay muujiyaan dareena diidmahada ah ee damaca gurracan ee Itoobiya,iyagoo watay boorar ay ku qoran yihiin hal kudhigyo ay ka mid yihiin Baddeennu Iib maah,Taako dhulkeena ka mid ah kama tanaasuleyno iyo baddeenu waa hanti qaran iyo dhaxal umaddeed waana looma soo dhawaadaan ayey adeegsanayeen bibad baxayaasha dadweynihii bannaan baxa ka soo qayb galay, waxaana dibadbaxa ku soo biiray Ra”iisul wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo socod dheer ka soo bilaabay xafiiskiisa ayaa Socod ku maray qaybo ka mid ah magaaladda Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugnaayeen kumanaan ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ee diidan damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso in ay ku qaadato qayb ka mid ah Badda iyo Dhulka Soomaaliy, isagoo shacabka khudbad uga jeediyay xarunta taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

“Soomaaliya Iib maah,baddeenna Iib maah, dadkeenu Iib maah,dhulkeenuna Iib maah,dadka Soomaaliyeed oo dhan waa isku mid meel kasta oo ay joogaan ama dalka guduhiisa ha joogaan ama dibaddisa, ma jiro qof Soomaali ah oo ogol in dhulkiisa ay Ajinbi qabsadaan ama ay qaataan,waa u soo halgameen, waa soo xoreysteen, waa dalkoodi, maantana yeeli maayaan in ama la Iibsado ama la xaraasho, waa kuwaa Carruurtii ama masutaqbalkii dalka Soomaaliya iska lahaa”.waxaa sidaa yiri Wasiirka waxbarshadda Soomaaliya mudane Faarax Cabdulqaadir oo ka qeyb galay dibad baxa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Shacabka ka qayb galaya Bannaan-baxa looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso dhulkeena ayaa aragtidooda cabirey waxaan ay sheegeen in dhulka iyo badda ay yihin hanti dadweyne oo ay ka dhaxleen awoowayaashood lagana sii dhaxali doono oo jiilba jiil ka sii dhaxalidoono sida darteed aysan marnaba sinna suurta galay  ku ahayn damaca gurracan ee itoobiya, waxaana gabi ahaan la fasaxay maanta goobaha Waxbarshada, Shaqooyinka xaruumaha dowladda iyo waliba iyadoo Albaabada loo soo xiray goobaha ganacsiga oo ay dadku dhammaan isugu soo baxeen bannanada magaalada iyo goobaha loo asteeyay dibad-baxayada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada…

June 7, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mareykanka oo ku yaboohay lacago la siinayo ciddii soo sheegta xogta Macallin Ayman iyo dhagarqabayaal kale

Muqdisho.SONNA – Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Dalka Maraykanka oo ay maamusho Hay’adda Nabadsugidda, ayaa sheegtay in…

Gudaha
January 7, 2023

Hay’adda SoDMA oo deeq lacageed kala wareegtay dowladda Shiinaha

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta kala wareegay dowladda Shiinaha…

GudahaWararka
December 19, 2023

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta

Muqdisho(SONNA):-Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey…

GudahaWararka
April 6, 2023

Ciidanka Danab ee XDS oo daawooyin gaarsiiyey shacabka ku nool Balidoogle

Balidoogle(SONNA):-Ciidanka kumaandooska Danab XDS gaar ahaan ururka 161’aad ayaa daawooyin gaarsiiyey qaar ka mida dadka shacabka ah ee ku nool…

GudahaWararka
November 16, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023