Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo kan gobolka, iyagoo isla soo qaaday sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka soo jireenka ee labada dal.