Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Madaxweynaha JFS oo goob fagaare ah kaga jawaabay su’aalo la waydiiyey
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Madaxweynaha JFS oo goob fagaare ah kaga jawaabay su’aalo la waydiiyey
CaalamkaWararka

Madaxweynaha JFS oo goob fagaare ah kaga jawaabay su’aalo la waydiiyey

By Kanaava Mohamed
Last updated: December 28, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho, Diseembar 27, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay  ka qeyb-galay dood-furan oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu weydiinayeen su’aalahooda la xiriira dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada, qorshaha xasilinta, cunuqabateynta hubka ee la qaaday, qalabeynta iyo tayeynta ciidanka qalabka sida, bixitaanka ATMIS iyo Deynta Soomaaliya laga cafiyay.

Dagaalka ka dhanka ah argagixisada; Madaxweynaha ayaa soo bandhigay miro-dhalka wajiga koowaad ee howlgalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay diyaarinayso ciidamo si gaar ah uga shaqeeya amniga iyo difaaca deegaannada la xoreynayo.

“Bisha Tobonkeedii ilaa hadda waxaa socda howlgallo joogta ah, muddadaas ilaa hadda waxaa lagu guuleystay xoreynta deegaanno badan. Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay u wada taagan yihiin xoreynta dalka. Qabaa’il badan ayaa wada-yeeshay iskaashi ay ku cirab-tirayaan argagixisada.”

Amniga iyo Bixitaanka ATMIS;

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee AMISOM ay ka qaateen nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna muujiyey sida uu uga faraxsan yahay in Ciidamada Soomaaliyeed ay soo gaareen marxalad ay ku hantaan sugidda amniga Madaxda, Hay’adaha dowladda iyo hoggaanka dalka.

“Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in amnigeyga ay ilaaliyaan wiilal Soomaaliyeed, haybad iyo nasiib gaar ah ayeeyna ii tahay in aan noqdo Madaxweynihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee ay ammaankiisa si buuxda u ilaaliyaan ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, tan iyo burburkii dalka”.

Deyn cafinta iyo kobaca dhaqaalaha; Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay natiijada laga filanayo deynta laga cafiyey dalkeenna, waxa uuna xusay in sannadkan 2023 uu kobcay dhaqaalaha 14%, waxa ayna dowladdu higsanaysaa in sannadka cusub la gaarsiiyo kobac dhan 22%, taas oo ay barbar socota yareynta fakhriga iyo saboolnimada oo la yareeyey lana gaarsiiyey 54%,halka uu horey u ahaa 69%.

“Horumarka dal waa in uu leeyahay hiigsi fog. Sida aan u sheegnay, sannadkan iyo sanadka xiga ugama gudbi karno caqabadaha jira, waana sababta aan u keennay hiigsiga 2060. Soddon iyo Todoba sano oo hadda kaddib ah, Soomaaliya side u ekaanaysaa in aan maanta gaarno go’aankeeda.”

Dhameystirka Dastuurka;

Madaxweynaha oo ka jawaabay weydiimaha dastuurka ayaa waxa uu yiri “Qabyo tirka Dastuurku dib u dhacyo badan ayuu lasoo kulmay, waxaana isku soo dhiibay Baarlamaano kala duwan oo uu waqtigu ka dhammaaday iyaga oo ka shaqeynaya. Waxaa naga go’an in uusan muddoo xileedkan nala dhaafin, dhammeystirkiisana waxaa asal u ah rabitaanka ummadda Soomaaliyeed. Qaabka aan anigu jeclahay waxaa ka muhiimsan rabitaanka inta badan bulshada Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka jawaabay su’aalo laga soo weydiiyey daafaha dunida oo ku saabsan sarreynta sharciga, wadashaqeynta hay’adaha dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dib u heshiisiinta iyo xiriirka caalamiga ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Doorashada shan kursi oo maanta lagu soo gabo- gabeeyey Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Doorashada shan kursi oo ka tirsan golaha shacabka kana soo jeeda gobollada waqooyi ee dalka ayaa goordhow lagu soo gabagabeeyay…

GudahaWararka
February 10, 2022

Heshiis horudhac ah oo laga gaaray colaad beeleed ka taagneed Galgaduud

Cabudwaaq (SONNA)- Odayaal dhaqan oo joojinta colaadda uga soo baxay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa ku guulaystay inay heshiis horudhac…

Wararka
September 7, 2020

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay qodobbo khuseeyay arrimaha bulshada iyo iskaasgiga siyaasadda ee dibadda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan todobaadle ah oo ay yeesheen ku meelmariyey qodobbo la xiriiray dib-u-eegista Xeer-nidaamiyaha…

Gudaha
June 7, 2024

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane…

GudahaWararka
April 9, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023