Muqdisho (SONNA):- Hay’adda Bisha Cas Turkiga ayaa maanta olole caafimaad oo indho fiiqid ah ka bilowday magaalooyin badan oo Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Gaalkacyo iyo Doolow.
Hay’adda Turkish Foundation ayaa fulinaysa mashruucan loogu talagalay in 512 bukaan si lacag la’aan ah loo sameeyo baaritaanno iyo qaliin indha fiiqid. Wajiga koowaad ee mashruucan ayaa waxaa laga furay Isbitaalka “National Eye Hospital” ee ku yaala magaalada Muqdisho.
Guddoomiye ku-xigeenka Bisha Cas ee Turkiga Taner Kurt ayaa sheegay inuu rajeynayo in ololahan uu ka qayb qaadan doono wax-ka-beddelka-nolosha dadka deegaanka, isagoo xusay in uu socon doono muddo saddex toddobaad ah.