Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali iyo Agaasimaha Guud ee Wsaaradda ayaa maanta kulan ku saabsanaa hawlaha guud ee Wasaaradda u xil saaran tahay la qaatay Guddiga Arrimaha Dibedda, Iskaashiga Caalamiga, Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhagaalaha ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Hayโadda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Shire, iyo Mudane Sharmarke Maxamed Faarax ayaa faahfaahin buuxda ka siiyay Guddiga waxyaabaha lagu guuleystay iyo shaqooyinka ay masโuulka ka yihiin, iyagoo soo bandhigay sida ay Wasaaradda uga goโantahay hufnaanta shaqo iyo howlaha guud ee Hay’ adda Istaatistikada Qaranka u xilsaaran tahay iyo Qorshayaasha uga diyaarsan qabashada tirakoobyo Qaran oo lagu kalsoonaan karo.
Dhanka kale, Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda ayaa ugu dambayntii Guddiga uga jawaabay suaโaalo ku saabsanaa Qorshe-howleedka sanadka, Fulinta mashaariicda iyo qulqulka deeqaha horumarineed, waxayna soo bandhigeen sida ay bulshadii loogu talagalay ay uga faaโideysteen mashaaricdaas iyo habraacyadii fulineed ee la isticmaalay.
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda, Iskaashiga Caalamiga, Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhagaalaha ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Maryan Faarax Kaahiye oo kulanka shir gudoominaysayย ayaa Masโuliyiinta Wasaaradda uga mahad celisay sida togan oo ay warbixinta uga siiyeen howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo jawaabaha ay ka bixiyeen su’aalihii ay qabeen, ayaaย balan qaaday in ka guddi ahaan ay kala shaqayn doonaan Wasaaradda waxyaabaha muhiimka u ah shaqada wasaaradda.