Muqdisho,(SONNA):-Degmada Ceelwaq ee Gobalka Gedo oo ka mid ah degmooyinka ay sida ba’an u saameeyeen daadadka xooggan ee ka dhashay El-nino, ayaa waxaa halkaas ka jirta xaalad adag oo dhanka nolasho ah, iyadoo wali gudaha xaafadaha degmadas biyihii ku soo rogmaday ay fadhiyaan.
Dhamaan dadkii shacabka ahaa ayaa ka barakacay gudaha degmada Ceelwaaq, iyaga oo daadsan daafaha iyo tuuloyinka ku dhaw degmada.
Sawirro laga soo qaaday xafadaha Ceelwaaq ayaa waxaa lagu arkayaa biyo xoogan oo magaalada dhex- fadhiya kuwaas oo midab koodu isbadalay ayna adagtahay in laย dhexmaro,waxaana sidoo kale duugmay Ceelashii biyaha iyo Musqulihii dadka isticmaali jireen.
Goobahii Waxbaarshada,Cafimaadka iyo Cibaadada ayaa guud ahaan xiran,waxaana sare u kac uu ku yimid Maciishada qaybaheeda kala duwan.