Muqdisho(SONNA):-Safaaradda Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ethiopia ayaa magaaladda Addis Ababa ku qabatay munaasabad lagu taageerayay guulaha waaweyn ee ay JFS gaartay muddooyinkii u danbeeysay, guulahaas oo ay kamid ahayeen dayn-cafinta, qaadista cuna-qabatayntii hubka iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Africa oo dhammaantoodba ahaa caqabadaha ugu waaweyn ee hor taagnaa geeddi socodka Dawladnimada Soomaaliya.
Munaasabaddan waxaa ka qayb galay Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, Madaxweyne ku xigeenka Gal-mudug Cali Daahir Ciid, diplomaasiyiin kala duwan oo ka tirsan Safaaradda JFS ee Ethiopia, Xildhibaan Xasan Cabdi Ismacil oo kamid ah BJFS, mas’uuliyiin ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ethiopia iyo qayabaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ethiopia Madaxweyne ku xigeenka Gal-mudug Cali Daahir Ciid iyo Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay in soomaaliya soo hooydo guulahaan waaweyna,ayna bogaadinaya Mas’uuliyiinta dowladda ee da’daalka badan ku bixiyay arrintaan.
Danjiraha JFS ee Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa oo munaasabadda soo xiray ayaa si qota dheer u faah-faahiyay dariiqa loo maray iyo dedaalka lagu bixiyay in Soomaaliya ay gaarto guulahan taariikhiga ah, wuxuuna caddeeyey in Soomaaliya ay mar kale gudubtay dariiqa horumarka iyo xasiloonida.