Dhuusamareeb (SONNA):- In Ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan oo Ciidanka deegaanku saaka ka fuliyeen deegaan dhanka Galbeed kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Baraag-gurgurrte oo ahaa fadhigii ugu weynaa deegaankaas ee Khawaarijta ayaa waxaa fuliyey ciidanka deegaanka oo uu horkacayay Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf.
Guddoomaayiha oo wareysi siiyey warbaahinta Qaranka ayaa u xaqiijiyey in 33 Khawaarij lagu dilay howlgalka isla markaana taliskoodii iyo saanad ciidanku la wareegay, ka dib hawgal guuleystay ay sameeyeen ciidanka deegaanka.
Howlgalka ayaa dhacay salaaddii subax ka dib markii ciidanku ka war heleen abaabul weerar ay Khawaarijtu maleegaysay kaas oo markii dambe ay u suura gashay in ciidanka deegaanka ee loo garan og yahay Macawiisleyda ay ka hortageen.
Howlgalka ayaa hadda ku sii baahay deegaano hor leh, waxaana ku soo biiray ciidamada Gorgor ee xoogga dalka oo dhowr jiho ka jooga koonfurta gobolka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug.