Muqdisho,(SONNA):- Dowladda Soomaaliya ayaa Dowladda Ruushka kala wareegtay gargaar loogu talagalay dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha is-biirsaday ee ku dhuftay deegaanno badan oo ka tirsan dalka.
Safiirka Dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti oo wakiil ka ah xukuumadda Moscow ayaa sheegay in gargaarkan uu astaan u yahay saaxiibtinimada labada dal,islamarkaana bilaha soo socda ay keeni doonaan gargaar kale.
โโ Tani waa bilowga shixnado gargaar oo ka kooban 25-kun oo tan oo qamadi ah, taas oo loogu talagalay dadka ay saameynta ku yeesheen daadadka iyo fatahaadaha, sidoo kale, waxaa markale gargaar kan la mid ah keeni doonaa daba-yaaqada bisha December,” ayuu yiri Safiirka.
Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda kaga mahadcelisay Dowladda Ruuska iyo safiirkeeda deeqdan gargaarka ah oo ku soo aadday xilli loo baahnaa.
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo la wareegay shixnadda gargaarka ah ayaa dhanka ka dalbaday xukuumadda Moscow in ay inoogu deeqaan diyaarado gurmadka lagu gaarsiiyo dadka goโdoonsan.
”Runtii maanta sharaf weyn bey noo tahay inaan halkan ku guddoono shixnaddan weyn oo tii ugu weyneyd oo gargaar ah oo ayaamahan dambe Soomaaliya soo gaarta oo naga soo gaartay Dowladda Ruushka oo uuna wakiil ka yahay safiirka Soomaaliya iyo Jabuuti u fadhiya Ruuska, waxaana rabnaa inaan u mahadcelino Ruushka oo safiirka wakiil ka yahay iyo madaxweynahooda garashadooda ay u garteen Soomaaliya oo hadda xaalad adag ka jirto in ay gargaarka 25-kun oo tan oo qamadi ah gaareysa 500-kun oo Kiish oo mid 50-kg ah, wax weyn weeye saacad dadka Soomaaliyeed wajahayaan daadad iyo fatahaado bur buriyay magaalooyin, saameeyay dad 2-milyan iyo bar ah, dad Malyan ka,’
Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in gargaarka Dowladda Ruushka inoogu deeqday uu ku soo aaday xilli loo baahnaa, wuxuuna dhanka kale, sheegay in ay kala hadli doonaan in ay inoogu deeqaan diyaaradoย gargaarka lagu gaarsiiyo dadka goโdoonsan,โโ.
Shacabka Soomaaliyeed waxay wajahayaan daadad iyo fatahaado bur buriyay magaalooyin, sidoo kalena, saameeyay dad labo milyan iyo bar ah, dad malyan ka badana ay ku barakaceen halka tiro kale oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ay ku nafwaayeen.